Saturday 20 August 2011

Erdoganow waad naga farxisay, ee allaha ka farxiyo

Anagoo ku hadlaya magaca jaaliyada Somaliyeed ee ku nool wadanka Ingriiska qaasatan magalada Sheffield iyo keygaba, waxaan halkaan uga hambalyeynaya Raisul wasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo Shacab weynaha Turkigaba ficilka walaaltinimada ah ee u noo mujiyey haddi aan somaali nahay. Tilaabadaan waa mid baal dahab ah ka galeysa taarikhda ummada Soomaaliyeed abaalkeedana aan gudi doono.

Waxaa hubaal ah in Raisulwasaare Recep Tayyip Erdoğan u yahay halyey geesi ah oo ummada Islaamka u soo baxay, taarikhduna ay xusi doonto.

Dalka Turkiga oo weligiba hugaamin jiray dunida Islaamka aya dib ugu soo noqoday kaalintii hugaamineed ee u lahaa.

Ugu dambeyn Recep Tayyip Erdoğan wuxu muteystay in Taalo looga dhiso magalada Muqdishu dadka soomaaliyeedna aysan weligood iloobin.



Waxaan raba inaan dareenkega ku mujiyo tixdaan oo u beeri hore nin Somali ahi tiriyey.



  • Bowdada markii aan ka jabay iyo, boqonka taagiisa
  • Habeenkiiba way bidhan lahaa, bahalka cawlaaye
  • Ragii buurta dheer igala baxay, beerka ka ogsooni
  • Ragii baarqabyada ii qalqalay, beerka ka ogsooni
  •  
  • Bah Cilaamo goortay dhamaan, igu dul booyeysay
  • Ba Sadhaysan baga inay i tidhi, beerka ka ogsooni
  •  
  • Ragii Burunji inuu igu cuno, ii bariidinayay
  • Ee aan barkale ii tarayn, beerka ka ogsooni
  •  
  • Ninkii balad shisheeye iga jiray, soona bixi waayay
  • Ee in aan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooni
  •  
  • Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu
  • Oo biixiyaha Eebahay, kay isugu beego
  • Abaal badha, abaal bura, abaal bur iyo dheeraad ah
  • Ninba kiisa kaan ugu bedeli, beerka ka ogsooni





Gudoomiyaha Jaalliyada Soomaaliyeed ee magalada Sheffield

 Ahmed W. Abtidon (Ahmedgurey)

Friday 12 August 2011

WARBIXIN KU SAABSAN NOLOSHA ISMACIL OO AL-SHABAAB LUG IYO GACAN ISDHAAF AH KA GOOYEEN

<iframe width="425" height="349" src="http://www.youtube.com/embed/KgYsa3sGXbc" frameborder="0" allowfullscreen></iframe>