SUUGAAN

 Diiwaanka gabayadi C. Suldan Timacadde
C. Suldaan Timacade 



YAAB IYO AMAKAAG

Hal waa yaab, halna waa yaabka yaabkiisa, halna waa amakaag iyo argagax:

-         Dudun aboor baa dhisay waa yaab,
-         Habeenkii buu dhisaa waa yaabka yaabkiisa,
-         Hadana candhuuftiisa iyo ciid buu  ku dhisaa waa amakaag iyo argagax


1. Saddex ma gaartid
  •  Nin maalin ma gaartid oo waa ninka goob la isku farasaaray ka faras dheereya, waxaa hubaal ah in goobtaas lagaga gacan sareeynayo.
  • Nina sanad ma gaartid oo waa ninka sanadkaas ka daaqsin ficnaa. Ninka sanadkaas xoolihiisu meel baad iyo biyo leh ku nagaadeen waa kaa xoolo ficnaanayaa.
  • Nina weligaa ma gaartid oo waa ninka kaa naag fican