DEUTSCH - SOMALISCHE UND ENGLISCHE UNTERHALTUNGS WEB BLOG
Wednesday, 14 September 2011
Sunday, 11 September 2011
Interview medvedev
<iframe width="560" height="345"
src="http://www.youtube.com/embed/6fOdCFhcqCY"
frameborder="0" allowfullscreen></iframe>
Saturday, 20 August 2011
Erdoganow waad naga farxisay, ee allaha ka farxiyo
Anagoo ku hadlaya magaca jaaliyada Somaliyeed ee ku nool
wadanka Ingriiska qaasatan magalada Sheffield iyo keygaba, waxaan halkaan uga
hambalyeynaya Raisul wasaaraha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan iyo
Shacab weynaha Turkigaba ficilka walaaltinimada ah ee u noo mujiyey haddi aan
somaali nahay. Tilaabadaan waa mid baal dahab ah ka galeysa taarikhda ummada
Soomaaliyeed abaalkeedana aan gudi doono. 
  Ahmed W. Abtidon (Ahmedgurey)
Waxaa hubaal ah in Raisulwasaare Recep Tayyip
Erdoğan u yahay halyey geesi ah oo
ummada Islaamka u soo baxay, taarikhduna ay xusi doonto.
Dalka Turkiga oo weligiba hugaamin jiray dunida Islaamka aya dib ugu soo
noqoday kaalintii hugaamineed ee u lahaa.
Ugu dambeyn Recep Tayyip Erdoğan wuxu muteystay in Taalo looga
dhiso magalada Muqdishu dadka soomaaliyeedna aysan weligood iloobin.
Waxaan raba inaan dareenkega ku mujiyo tixdaan oo u beeri hore nin Somali
ahi tiriyey.
- Bowdada
     markii aan ka jabay iyo, boqonka taagiisa 
 - Habeenkiiba
     way bidhan lahaa, bahalka cawlaaye 
 - Ragii
     buurta dheer igala baxay, beerka ka ogsooni
 - Ragii
     baarqabyada ii qalqalay, beerka ka ogsooni 
 - Bah
     Cilaamo goortay dhamaan, igu dul booyeysay 
 - Ba
     Sadhaysan baga inay i tidhi, beerka ka ogsooni 
 - Ragii
     Burunji inuu igu cuno, ii bariidinayay 
 - Ee
     aan barkale ii tarayn, beerka ka ogsooni 
 - Ninkii
     balad shisheeye iga jiray, soona bixi waayay 
 - Ee
     in aan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooni 
 - Laxaad
     waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu 
 - Oo
     biixiyaha Eebahay, kay isugu beego 
 - Abaal
     badha, abaal bura, abaal bur iyo dheeraad ah 
 - Ninba
     kiisa kaan ugu bedeli, beerka ka ogsooni
 
Gudoomiyaha Jaalliyada Soomaaliyeed ee magalada Sheffield 
Friday, 12 August 2011
Subscribe to:
Comments (Atom)

