Saturday 9 February 2013

COL KU DHACYEY OO TUUGO KU CIDAMISAY (PRT 9)



KASXUMADA KENYA IYO XILLIGA KALA GUURKA  SOOMAALIYA.

12/12/2012

Waxaan halkaan idin kugu soo gudbinayaa qormo kale oo kamid ah qoormooyinkii tixanaha aha ee “COL KU DHACYEY OO TUUGO KU CIDAMISAY” kuwaas oo ka hadlayey dibindaabyada quwadaha kala duwani ku hayan dalkeena ayagoo iska dhigaya in ay wax nala qabanayaan, ayagoo islamarkaas ka fa’ideysanaya marxaladaha qalafsan ee Somalida dhexda ka aloosanaa labaatankii sanno ee la soo dhaafay.
Qoraalkaan maantay waxaan diirada saaraya gobolada Jubbooyinka oo beryahaanba saxafadu aad uga hadleysay iyo qilaafaadka ka soo cusboonaaday kaddib markii Al-shabaab laga saaraya Magalada Kismayo ayado weliba reero qaas ahi sheeganayaan lahaanshaha Gobboladaas.

Marxaladihii kala duwanaa ee magalada Kismayo soo martay labaatankii sano ee la soo dhaafay iyo dagaaladii lagu kala qabsadayba waa la wada socona, haddana ma rabo inaan dib ugu noqdo. Lakin waxaan rabaa inaan hoosta ka xariiqo inaan magaalo kale oo Soomaaliyeed aan loogu dagaalamin loona kala qabsan sida Kismaayo.
Magalada Kismayo waa magaalo aad muhim u ah, sababta oo ah waxay leedahay deked iyo garoon caalami ah oo waagii dawladnimada la dhisay, waxayna baahi tiri kartaa konfurta Soomaaliya iyo waqooyiga Kenya oo dhul aad u ballaaran ah. Waxaa kale oo gobolku leeyahay dhul beereed aad u balaaran oo quudin kara Soomaaliya oo dhan iyo weliba xoolo aad u fara badan iyo weliba xeebta lagu tuhunsanyahay in shidaal fara badan ceegaago. Isla markaas gobolada Jubbooyinka waxaa degen Beelo faro badan oo kala duwan haba lagu kala badnaadee oo aan muddadaas lagu dagaalamayey wax talo ah laga siin, waa muhimadaas tan keentay in gobolka noqdo goob la isku qabsado oo cid walba hunguryeyso.

Doorkii dawladii kumeel gaarka ahayd:

Dawlada Kenya waxay ku dhawaaqday dabayaaqadii sanadkii tegey inay duulaan ku qaadeeyso gobolada Jubooyinka oo ay Al-shabaab ka talineysey, ayadoon dawladii kumeel gaarka ahayd oo markaas jirtay si toos ah ugala tashan.
Arrintaasi muran farabadan ayey ka dhexdhalisay dawladii kumeel gaarka ahayd, taas oo keentay in raisulwasarihii markaas jiray M. A. Gaas u taageeray dawlada Kenya, Madaxweyne Sharifna ka soo horjeestay. Taageerada raisulwasaraha waxa ay dad badan u arkeen in ay ahayd mid qabyaladeysan oo ay dabada ka riixayaan faroole iyo urur la baxay Azaniya oo Prof. gaandi dhistay waqtigii u wasiirka gaashandhiga aha dawladii Cumar Cabdirashid. Waxaa hubaal ah in Azaaniya, Raaskambooni iyo Puntland ay Kenya dabada ka riixayaan ayagoo ujeedadooda ugu weyn tahay in Jubbooyinka ayaga loo gacan geliyo. Waxaa taas marag u ah shirkii ururadaas oo hal beel kasoo jeeda ay ku galeen magalada Nairobi oo ay ku qaybsadeen goboladaas ayaga oon beelihii kale ka qaybgelin. Waxaa kaloo jirta in mamul kumeel gaar ah oo dawlada federaalku u sameysay Jubboinka u joogo magalada Muqdishu oo aan laga talo gelin shirkii Nairobi.

Doorka Azaaniya:

Azaaniya waa urur u sameystay Prof. Gaandi oo ka soo jeeda gobolka NFD doonayana in u dhulka Soomaaliyeed ee galbeedka ka xiga webiga Juba hal maamul oo Azaaniya la yirahdo hoos keeno, kaas oo u rabo asagu inu madaxweyne ka noqdo. Gaandi waqtigii u wasiirka ahaa wuxu heshiis hoose la galey dawlada Kenya iyo beelaha dega waqooyi bari Kenya sii loogu soo aruuriyo dhallinyaro loona tababaro si u ugu qabsado Gobolada Jubbooyinka. Cidamadaas lagu tababaray dalka Kenya waxaa  layirahdaa cidamada qaranka soomaaliya ayey ka mid yihiin, waana isla kuwii loo diiday Sh Sharif Sh Ahmed xilligii u madaxweynaha ahaa, laguna sheegay inay yihiin kuwo la rabo in jubooyinkla lagu qabsado. Haddana waxay ka barbar dagaalamaan cidamada Kenya. Azaaniya waxay rabaan in Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo mamul u sameynta loo daayo Kenya iyo Igad si ayaga loogu gacan geliyo ayadoon lagala tashan dadka degaanka.

Doorka raaskambooniyiinta:
Maleeshiyada Raaskambooni waxaa sameeyey Xassan Turki, waxayna kamid ahayeen maleeshiyo beeledyadii ku bohoobay ururkii xisbul Islam oo u markii dambe la wareegay Axmed madoobe oo ay qaraabo dhaw yihiin kana soo jeeda Kiilka shanaad ee Ethiopia, kaddib markii laga soo daayey xabsiga Ethiopia 2008kii horaantiisi. Axmed Madoobe wuxu ka soo horjeestey qaabkii ay Al-shabaab u maamushay awood qaybsigii Jubooyinka oo u ku qanci waayey qaybtii la siiyey, kadibna ay Al-shabaab dagaal uga saareen Jubooyinka asagoo cidamadiisi la galay Kenya. Raaskambooiyiintu waxay ka soo barbar dagaalameen cidamada Kenya ee Kismayo qabsaday. Wax badan kama ujeedo duwana Azaaniya oo aan ka ahayn in Axmed Madoobe rabo asagu inu ka taliyo Jubbooyinka, sidaasna ku noqdo madaxweynaha dawlad goboleedka Jubbooyinka iyo Gedo. Waxayse isla qabaan in mamul u sameynta Jubbooyinka loo daayo Kenya iyo IGAD oo aysan dawlada federaalku soo fara gelin.


Doorka Dawlad goboleedka Puntland:
Mowqifka dawlad goboleedka Puntland kama duwana kan Azaaniya iyo raaskabbooni oo ayaguna waxay qabaan in mamul u sameynta Jubboyinka looga dambeeyo Kenya iyo IGAD.
Sababta ugu weyn ee Puntland waxa weeye si kooxdii Nairobi ku soo heshiiyey loogu gacan geliyo.
Isku soo wada duuboo markaad u fiirsato qaabka madaxda Azaniya, Raaskambooni iyo Puntland u hadlayaan  iyo dhamaan mas’uliyiinta idaacadaha ka hadlaya waxay doonayaan dawlad goboleed qaab qabiil ku dhisan hal reer hor boodaan.


Doorka iyo Damaca Kenya

Waxaan la wada socona in cidamada Kenya ay soo gudbeen xuduuda u dhexaysa Somalia iyo Kenya mudo hada laga joogo hal sanno. Cidamada Kenya waxay qabsadeen magalada kismayo oo xadka u jirta qiyaas ahan ila iyo 250 km hal sanno kaddib markii ay xadka ka soo gudubtay, ayagoo sanadkaas dagaal qaraar kula jiray maleeshiyo diimeedka al-shabaab.
“Geed walba in gubta waa hoos taala” ayan dawlada Kenya ku oran lahaa.
Waxaa hubaal ah in dawlada Kenya dhib weyn ka soo gaari doono haddii aysan arrimaha gudaha Soomaaliya faraha kala bixin.

Sideedaba qaab dhismeedka dawlada goboleedyada Soomaaliya yaa taladeeda leh?
Jawaabta waa wax aad u sahlan, dabcan dawlada Soomaaliya. Dekedaha iyo garoonada caalamiga ah waxay kamid yihiin qayraadka qaranka Soomaaliyeed oo ay dawladu maamuleyso, sida garoonka iyo dekeda Muqdisha, tan Kismaayona kuwaas waxba kama duwanna mana noqon doonto meel beeli maamusho.

Waxaa kaloo in la fahmo u bahan in wasiirka gashandhiga Kenya, madaxweynaha asaaniya iyo hogaamiyaha Raaskambooni iyo weliba gudoomiya ku xigeenka baarlamaanka Kenya ay dhamaantoodba beel wadaag yihiin. Waana taas mida ku kaliftay Farax Macalin in u yirahdo “MACQUUL MA AHA IN KISMAYO XAMAR LAGA XUKUMO”. Waa su’aale xagee kala laga xukumi lahaa? jawaabta waxan u deynayaa akhristaha.

Waxaa murugo iyo qoomamiyo, maanqashiyo ciil leh
- Maskax iyo garaad iyo wixii, muruqba kaa liita
- Markuu adiga sharaftaad mudnayd, kaa maroorsado e
“UMMADYAHAY QABIILKIYO QARANNIMADU WAA LABA, AAN ISQAADI KARINOO WELIGOOD ISQABANEYN.”


“RAG LA’AANI WAX KUMA YEESHEE, RAG XUMAA KU DISHA”

Ahmedgurey
Ahmed.abtidon@gmail.com

7 comments:

  1. Free Landscape Design Tips for Fall Planting and
    Mulching! To Mulch or Not To Mulch, That Is the
    Question

    Feel free to visit my site ... http://Depression-Psychose.blogspot.com
    Look at my site :: tree nursery ozaukee county

    ReplyDelete
  2. We have got a web template but I want to customize it using joomla.
    Is it possible. Please let me know..

    Also visit my web blog: transvaginal mesh lawsuit

    ReplyDelete
  3. Fantastic site. Lots of helpful information here. I am sending it to several buddies ans also sharing
    in delicious. And certainly, thanks on your effort!


    Take a look at my site http://www.miasesorfiscal.com

    ReplyDelete
  4. Excellent post. I was checking continuously this blog and
    I'm impressed! Extremely helpful info specially the last part :) I care for such information much. I was seeking this certain info for a very long time. Thank you and best of luck.

    Stop by my web blog http://www.partnersforhisglory.org/index.php?do=/blog/69122/oral-thrush-Symptoms-and-treatment

    ReplyDelete
  5. Thanks for finally writing about > "COL KU DHACYEY OO TUUGO KU CIDAMISAY (PRT 9)"
    < Loved it!

    My web-site; wiki.
    Underbonesphilippines.com

    ReplyDelete
  6. Wow! Finally I got a blog from where I know how to actually
    take useful data concerning my study and knowledge.


    Also visit my website Mangatopia.net
    My website: http://www.Profumonaturale.it

    ReplyDelete
  7. I really like reading through an article that
    will make people think. Also, thank you for allowing me to comment!



    My webpage - road riot for tango hack and cheats tools download

    ReplyDelete