Saturday 30 April 2011

Ar goormu dhintay saxiibaan ahan jirnaye.

Nin dhalin yaro ah oo ciyaal xamar ah aya wuxu cado ka dhigtay in u maalin kasta raadiyo meel Sab (alla bari) ka jirto. Marka u yimaado guriga sabtu ka jirto ayu yirahda ar maantay meeshaan ayaa ku dhintay?
Markaas aya loo sheega hebel ayaa dhintay, markaas ayu ooyaa asago leh “ar goormu dhintay saxiibaan ahan jirnaye”. Markaas aya inta meel la fariisiyo la yirah war wiilka cunta siiya, markey ilinta indhihiisa ka da’aysa ka naxaan.
Maalin maalmaha ka mid ah ayu yimid guri sab lagu cunayo, dabadeedna sida cadada u ahyd yiri “ar yaa meeshaan ku dhintay”? markaas ayaa lagu jawaabay waa “mawlidkii”, dabadeedna intu ooyey yiri ar goormu dhintay saxiibaan ahan jirnaye asagoo weliba ilmeynaya. Markaas ayaa inta la is firiyey qosol lala dhacay, halkaasna filmkii aya uga qarxay ninkaas.

(ma haysa sheeko qosol leh? just i soo email  garee)
ahmed.abtidon@gmail.com
Please don't forget to comment

Friday 29 April 2011

Joke of the week / Witz des tages

Reer jigjigow meydkiina sita!!
 Saddex nin oo reer Ceerigaabo ah (reer Ceerigaabo waxaa lagu xantaa in ay munafaqad ama luggooyo badan yihiin) ayaa Jigjiga tegay, guri ayey qaad u fariisteen. Reer jigjiga laftoodu munafaqada waa lagu yaqaan. Dabadeed nin saddexdii kamid ah aya suuliga (musqushul) aaday, suuligu dibada ayu ku yaalaa. Markii u dibada u baxay ayu arkay nin mayd ah oo guriga albaabkiisa yaala,
Markii u soo dhameystay tartib ayu meeshisii u soo fariistay asagoon cidna wax u sheegin.
Muddo kadib aya mid kale musqusha aaday, asna meydkii ayu arkay. Asagoon cidna wax u sheegin ayu halkiisi faristay. Ninkii saddexaad aya markiisa musqusha aaday, markaasu asna arkay meydkii, markii u soo noqday ayu ku yiri saxiibadis “war wad aragtaane maxan yeelna”? Raggii waxay ku tashadeen in meydka la soo xareeyo, dabadeedna duhurkii markii laga soo baxay ayey masajidka weydistaan naxashka meydka lagu qaado. Saddexdoodii ayaa naxashkii oo meydkii ku jiro inta dusha soo saartay magalada la soo dhex maray ayagoo leh “allahu akbar, allahu akbar,allahu akbar.
Dabadeed dadkii aya la qabtay, markay arkeen in dadkii soo batay ayey tartib midba mar u dusay oo baxsadeen, markasey yiradeen “jigjiga meykeeda ha sidato”.

(ma haysa sheeko qosol leh? just i soo email  garee)
ahmed.abtidon@gmail.com
Please don't forget to comment

Wednesday 27 April 2011

JOKE OF THE WEEK / WITZ DER WOCHE

Ar goormu dhintay saxiibaan ahan jirnaye.
Nin dhalin yaro ah oo ciyaal xamar ah aya wuxu cado ka dhigtay in u maalin kasta raadiyo meel Sab (alla bari) ka jirto. Marka u yimaado guriga sabtu ka jirto ayu yirahda ar maantay meeshaan ayaa ku dhintay?
Markaas aya loo sheega hebel ayaa dhintay, markaas ayu ooyaa asago leh “ar goormu dhintay saxiibaan ahan jirnaye”. Markaas aya inta meel la fariisiyo la yirah war wiilka cunta siiya, markey ilinta indhihiisa ka da’aysa ka naxaan.
Maalin maalmaha ka mid ah ayu yimid guri sab lagu cunayo, dabadeedna sida cadada u ahyd yiri “ar yaa meeshaan ku dhintay”? markaas ayaa lagu jawaabay waa “mawlidkii”, dabadeedna intu ooyey yiri ar goormu dhintay saxiibaan ahan jirnaye asagoo weliba ilmeynaya. Markaas ayaa inta la is firiyey qosol lala dhacay, halkaasna filmkii aya uga qarxay ninkaas.



(ma haysa sheeko qosol leh? just i soo email  garee)
ahmed.abtidon@gmail.com
Please don't forget to comment

COL KU DHACYEY OO TUUGO KU CIDAMISAY PART 4

Riwaayadii 1992 oo dhar kale loo soo xiray
Waa mar kale iyo qoraaladii tixanaha ahaa ee “col ku dhac oo tuugo ku cidamisay” qaybtii afaraad. Qaybtaan waxaan diirada ku saaraya dawlad goboleedyada faraha badan ee maalin walba la isaga dhawaaqayo iyo madaxweynayaasha faraha badan ee maalin walba is magacaabaya.
Waxaan beryahaan dambe sida dareemadii ama cawska u dhulka uga soo baxo marka roob ku da’o oo kale dawlad goboleedyo iyo madaxweynayaal aan xad lahayn. Reer walba dawlad iyo madax weyne ayey ku dhawaaqday, ayado weliba qarkood dhawr madaxweyne leeyihin, kuwo kalena way soo socdaan.
Waxa jirta in ay madaxweynayaashani kawada diwaan gashanyihin xafiiska ergeyga gaarka ah amb. Mahiga oo fadhigiisu yahay magalada Nairobi. Waxaa layaab leh in Mahiga hadba midka u doono u yeerto, asagoo xitaa dawladii TFG da mid walba gooni ula shiraya. Arrintaasi waxay iska wada horkeentay dhamaan wixi madaxda sheeganayey. Amb. Mahiga waxaa u surta gashay in u si sahal ah Somalidii u kala qaybiyo oo hadba qorshaha u rabo u meel marsado, taas waxaa u sii sahlay A/rahman Faroole iyo Sharif Hassan oo dagaal ugu jira sidii ay dawlada hadda jirta u baab’in lahayeen si ay ayagu ula wareegaan. Marxalada hadda Somaliyi mareyso waxay u egtahay tii 1992 gii ururadii faraha badan ee qaba’ilka ku dhisnaa u Botrous Botrous ghali u diwaan geliyey kuwaaso badankood aan meelna xukumin.
Maantayna waxaa la diwaan geliyey madaxweynayaal aan dalkaba joogin oo qurba jog ah ayado la leyahay meel hebel ayu ka socda. Tani waxay marqaati cad u tahy dibindaabyada iyo shirqoolka ummada Somaliyeed lagu hayo taas oo ay u dheertahay dil, dhac, barakicin iyo weliba abaaro.

URUR BEELEDYADDII 1992 EE FARAHA BADNAA
SDM, SPM, SNF, SSDF, USP, SDA, USC-SNA, USC-SSA, SNMS, SNM iyo qaar kalo badan.
Liiska madaxweynayaasha faraha badan iyo maamuladooda

1 Sh. Sharif Sh. Ahmed TFG (Muqdishu)
2 Madaxweyne ma laha weli Awdal Land (Qurbo jog)
3 Dr. Saleban I. Ahmed (Xagle Tosiye) SSC State (Nairobi)
4 Col. Moh’ed Ahmed Alin Galmudug State (Galkacyo)
5 Dr. Moh’ed H Abdi (Carabey) Som. Central State (Nairobi)
6 Dr. A/rahman Faroole Puntland (Garowe)
7 Mudane Moh’d C/llhi Adan Ticey Ximan iyo xeeb (Cadaado)
8 Prof. Ali Abdi Gure Hiiraan State (Qurbo jog)
9 Eng. A/kadir Adan Jiraabey Hiiraan State (Qurbo jog)
10 Dr. Mohamud Abdi Gaab Hiiraan State (Qurbo jog)
11 Dr. Cali cabdi Abuukar "Baab" South West State (Qurbo jog)
12 Prof. Moh’d Abdi Mo’ed Gaandi Azania State (Nairobi)
13 Eng. Abdulqadir Moh’ud Yusuf Juba Raas State (Qurbo jog)
14 Mudane Moh’ed Abdi Nur Kilaas jubaland (Qurbo jog)
15 Weli madaxweyne ma hayo Rascaseyr State (Qurbo jog)
16 Weli Madaxweyne ma hayo Makhir Land (Qurbo jog)
17 Dr Moh’d Haji Mareeg State (Qurba jog)
18 Eng. Omar Yusuf Hussein Wareer iyo Waali State(Qurbo jog)
!Haddi wax iga qaldanyihin ama aan ka tegey fadlan ila soo socodsii!

Madaxweyne Ahmed Moh’ed Moh’ud oo ah Madaxweynaha Somaliland waan ka reebay liiska sababta oo ah waa madaxweynaha kaliya ee shacabkiisu doortay oo xalaal ah, halka kuwa kor ku xusan ay yihin kuwo la soo magacabay ama ayagu ismagacabay.
Haddaba Waxaas oo dhibaatooyin ah oo qof kasta oo waxgarad ah u muqan kara maxaa laga yeela?
Aniga waxay ila tahay in dalka la badbaadin karo haddi la helo dad.
1 DACAD AH, WADDANYIIN AH, GEESIYAALNA AH oo isku xiran,
2 Waa in la hor istaago qorshaha Amb. Mahiga iyo qoloyinka daba socda,
3 Waa in dawlada hadda jirta muddo kurdhin loogu sameyo sii aan kuwo ka liita aysan u imaan,
4 Waa In lagu dadaalo sidii dalka gudihiisa loogu qaban lahaa shir dib u heshisiin ah oo lagu kala gar qaato la iskuna cafiyo, sidii Somaliland ay Borame isgu cafisay.
Waxaan wada ognahay in sida hada Somali ku socoto in aysan cidna dani ugu jirin oo dabar go’ laga dhaxlayo
Somali ceelna uma qodna cidna uma maqna
Waxaan ku baaba’nay afkaar shisheeye oo danahooda oofsanaya markasey u kala dhuumanyaan ayagoo midba midka kale u cayayo.
Siyaasi cadaan ah oo Nairobi fadhiya ayaa laga haya inu yiri “somalidii mid la rumeysto la garan mayo, sababta oo ah kii kuu yimaada kii kaa tegey ayu wax ka sheegayaa”.

DOQONTU XARKIHII LAGU XIRXIRI LAHAA AYADAA XUSULADA KU SIDATA.
Waa socotaa …La soco qaybta asbuuca so socda: “col ku dhacyey oo tuugo ku cidamisay 5 ….
Soona booqo blogs ka
http://ahmedabtidon.wordpress.com/
http://ahmedgureysblog.blogspot.com/
Lana soco maqaalada tixanaha ah ee “COL KU DHACYEY OO TUUGO KU CIDAMISAY” waa waxa dalkeenna haystee.
Wa billahi towfiiq
Waa Qalinkii Eng. Ahmedgurey W. Abtidon
CONTACT: ahmed.abtidon@gmail.com

Video

Hussein Shire
Prof. Wareersan, Dr. Waashay iyo wadaad waranle ah aya hambadii amxaarada iyo Warlords kasoo hartay isisii daba dhigey oo weliba kii ka fakada ay Alshabaab sugeyso! Allow naga soo gaar.

Monday 25 April 2011

JOKE OF THE WEEK / WITZ DER WOCHE



Biology Class

The teacher asks:
"What is a turbot?"
The small Holger answers:
"Well, that's a very flat fish."
"And you know why he is so flat?"
"Well, because he had sex with a whale."
The teacher is shocked and drag the small Holger director. There, defended the boy.
"The teacher is always provocative questions! But you have to ask why the frog has big eyes."
Does the manager:
"Oh, and why the frog has big eyes?"
"Because he has been watching.

BIOUNTERRICHT
Die Lehrerin fragt:
"Was ist ein Steinbutt?"
Der kleine Holger meldet sich:
"Na, das ist ein sehr flacher Fisch."
"Und weißt Du auch, warum er so flach ist?"
"Na, weil er Sex mit einem Wal hatte."
Die Lehrerin ist entsetzt und schleppt den kleinen Holger zum Direktor. Dort verteidigt sich der Kleine.
"Die Lehrerin stellt immer so provozierende Fragen! Sie hätte doch auch fragen können, wieso der Frosch so große Augen hat."
Meint der Direktor:
"Ach? Und warum hat der Frosch so große Augen?"
"Weil er zugeguckt hat."