Wednesday 27 April 2011

JOKE OF THE WEEK / WITZ DER WOCHE

Ar goormu dhintay saxiibaan ahan jirnaye.
Nin dhalin yaro ah oo ciyaal xamar ah aya wuxu cado ka dhigtay in u maalin kasta raadiyo meel Sab (alla bari) ka jirto. Marka u yimaado guriga sabtu ka jirto ayu yirahda ar maantay meeshaan ayaa ku dhintay?
Markaas aya loo sheega hebel ayaa dhintay, markaas ayu ooyaa asago leh “ar goormu dhintay saxiibaan ahan jirnaye”. Markaas aya inta meel la fariisiyo la yirah war wiilka cunta siiya, markey ilinta indhihiisa ka da’aysa ka naxaan.
Maalin maalmaha ka mid ah ayu yimid guri sab lagu cunayo, dabadeedna sida cadada u ahyd yiri “ar yaa meeshaan ku dhintay”? markaas ayaa lagu jawaabay waa “mawlidkii”, dabadeedna intu ooyey yiri ar goormu dhintay saxiibaan ahan jirnaye asagoo weliba ilmeynaya. Markaas ayaa inta la is firiyey qosol lala dhacay, halkaasna filmkii aya uga qarxay ninkaas.



(ma haysa sheeko qosol leh? just i soo email  garee)
ahmed.abtidon@gmail.com
Please don't forget to comment

No comments:

Post a Comment