Wednesday 27 April 2011

COL KU DHACYEY OO TUUGO KU CIDAMISAY PART 4

Riwaayadii 1992 oo dhar kale loo soo xiray
Waa mar kale iyo qoraaladii tixanaha ahaa ee “col ku dhac oo tuugo ku cidamisay” qaybtii afaraad. Qaybtaan waxaan diirada ku saaraya dawlad goboleedyada faraha badan ee maalin walba la isaga dhawaaqayo iyo madaxweynayaasha faraha badan ee maalin walba is magacaabaya.
Waxaan beryahaan dambe sida dareemadii ama cawska u dhulka uga soo baxo marka roob ku da’o oo kale dawlad goboleedyo iyo madaxweynayaal aan xad lahayn. Reer walba dawlad iyo madax weyne ayey ku dhawaaqday, ayado weliba qarkood dhawr madaxweyne leeyihin, kuwo kalena way soo socdaan.
Waxa jirta in ay madaxweynayaashani kawada diwaan gashanyihin xafiiska ergeyga gaarka ah amb. Mahiga oo fadhigiisu yahay magalada Nairobi. Waxaa layaab leh in Mahiga hadba midka u doono u yeerto, asagoo xitaa dawladii TFG da mid walba gooni ula shiraya. Arrintaasi waxay iska wada horkeentay dhamaan wixi madaxda sheeganayey. Amb. Mahiga waxaa u surta gashay in u si sahal ah Somalidii u kala qaybiyo oo hadba qorshaha u rabo u meel marsado, taas waxaa u sii sahlay A/rahman Faroole iyo Sharif Hassan oo dagaal ugu jira sidii ay dawlada hadda jirta u baab’in lahayeen si ay ayagu ula wareegaan. Marxalada hadda Somaliyi mareyso waxay u egtahay tii 1992 gii ururadii faraha badan ee qaba’ilka ku dhisnaa u Botrous Botrous ghali u diwaan geliyey kuwaaso badankood aan meelna xukumin.
Maantayna waxaa la diwaan geliyey madaxweynayaal aan dalkaba joogin oo qurba jog ah ayado la leyahay meel hebel ayu ka socda. Tani waxay marqaati cad u tahy dibindaabyada iyo shirqoolka ummada Somaliyeed lagu hayo taas oo ay u dheertahay dil, dhac, barakicin iyo weliba abaaro.

URUR BEELEDYADDII 1992 EE FARAHA BADNAA
SDM, SPM, SNF, SSDF, USP, SDA, USC-SNA, USC-SSA, SNMS, SNM iyo qaar kalo badan.
Liiska madaxweynayaasha faraha badan iyo maamuladooda

1 Sh. Sharif Sh. Ahmed TFG (Muqdishu)
2 Madaxweyne ma laha weli Awdal Land (Qurbo jog)
3 Dr. Saleban I. Ahmed (Xagle Tosiye) SSC State (Nairobi)
4 Col. Moh’ed Ahmed Alin Galmudug State (Galkacyo)
5 Dr. Moh’ed H Abdi (Carabey) Som. Central State (Nairobi)
6 Dr. A/rahman Faroole Puntland (Garowe)
7 Mudane Moh’d C/llhi Adan Ticey Ximan iyo xeeb (Cadaado)
8 Prof. Ali Abdi Gure Hiiraan State (Qurbo jog)
9 Eng. A/kadir Adan Jiraabey Hiiraan State (Qurbo jog)
10 Dr. Mohamud Abdi Gaab Hiiraan State (Qurbo jog)
11 Dr. Cali cabdi Abuukar "Baab" South West State (Qurbo jog)
12 Prof. Moh’d Abdi Mo’ed Gaandi Azania State (Nairobi)
13 Eng. Abdulqadir Moh’ud Yusuf Juba Raas State (Qurbo jog)
14 Mudane Moh’ed Abdi Nur Kilaas jubaland (Qurbo jog)
15 Weli madaxweyne ma hayo Rascaseyr State (Qurbo jog)
16 Weli Madaxweyne ma hayo Makhir Land (Qurbo jog)
17 Dr Moh’d Haji Mareeg State (Qurba jog)
18 Eng. Omar Yusuf Hussein Wareer iyo Waali State(Qurbo jog)
!Haddi wax iga qaldanyihin ama aan ka tegey fadlan ila soo socodsii!

Madaxweyne Ahmed Moh’ed Moh’ud oo ah Madaxweynaha Somaliland waan ka reebay liiska sababta oo ah waa madaxweynaha kaliya ee shacabkiisu doortay oo xalaal ah, halka kuwa kor ku xusan ay yihin kuwo la soo magacabay ama ayagu ismagacabay.
Haddaba Waxaas oo dhibaatooyin ah oo qof kasta oo waxgarad ah u muqan kara maxaa laga yeela?
Aniga waxay ila tahay in dalka la badbaadin karo haddi la helo dad.
1 DACAD AH, WADDANYIIN AH, GEESIYAALNA AH oo isku xiran,
2 Waa in la hor istaago qorshaha Amb. Mahiga iyo qoloyinka daba socda,
3 Waa in dawlada hadda jirta muddo kurdhin loogu sameyo sii aan kuwo ka liita aysan u imaan,
4 Waa In lagu dadaalo sidii dalka gudihiisa loogu qaban lahaa shir dib u heshisiin ah oo lagu kala gar qaato la iskuna cafiyo, sidii Somaliland ay Borame isgu cafisay.
Waxaan wada ognahay in sida hada Somali ku socoto in aysan cidna dani ugu jirin oo dabar go’ laga dhaxlayo
Somali ceelna uma qodna cidna uma maqna
Waxaan ku baaba’nay afkaar shisheeye oo danahooda oofsanaya markasey u kala dhuumanyaan ayagoo midba midka kale u cayayo.
Siyaasi cadaan ah oo Nairobi fadhiya ayaa laga haya inu yiri “somalidii mid la rumeysto la garan mayo, sababta oo ah kii kuu yimaada kii kaa tegey ayu wax ka sheegayaa”.

DOQONTU XARKIHII LAGU XIRXIRI LAHAA AYADAA XUSULADA KU SIDATA.
Waa socotaa …La soco qaybta asbuuca so socda: “col ku dhacyey oo tuugo ku cidamisay 5 ….
Soona booqo blogs ka
http://ahmedabtidon.wordpress.com/
http://ahmedgureysblog.blogspot.com/
Lana soco maqaalada tixanaha ah ee “COL KU DHACYEY OO TUUGO KU CIDAMISAY” waa waxa dalkeenna haystee.
Wa billahi towfiiq
Waa Qalinkii Eng. Ahmedgurey W. Abtidon
CONTACT: ahmed.abtidon@gmail.com

Video

Hussein Shire
Prof. Wareersan, Dr. Waashay iyo wadaad waranle ah aya hambadii amxaarada iyo Warlords kasoo hartay isisii daba dhigey oo weliba kii ka fakada ay Alshabaab sugeyso! Allow naga soo gaar.

No comments:

Post a Comment