Thursday 21 April 2011

COL KU DHACYEY OO TUUGO KU CIDAMISAY PART 3

BA’A BOWE, PUNTLAND BAROOR BADAN
Maantay waxaan qoraalkeyga diirada ku saarayaa muranka aan dhamaadka lahayn ee mamul gobaleedka Puntland iyo TFG da tan iyo waqtigii shirkii Jabuuti ee Sharifka lagu soo magacabay ka dhex ognaa, kaasoo weliba sii laba kacleeyey kadib markii Puntland xariirkii u goysey kana mabnuucday in ay degaankooda yimaadaan.
Waxaa loo bahanyahay in la fahmo sababta u faroole dagaalka aan kala go’a lahayn TFG da ugu qaaday iyo sababaha ka dambeeya.
Waxaan wada xasusanaa waqtigii Dawladii Abdullahi Yusuf ee xabashida dalka la soo geliyey
in Puntland aad u tageertay ayado weliba cidamo fara badan u soo dirtay, dhaqaale fara
badana siineysay TFG da.
Faroole waa ka soo horjeestay heshiiskii Jabuuti iyo dawladii lagu soo dhisayba inkastoo lagu soo magacabay raisulwasare Cumar Abdirashiid oo ka soo jeeda isla degaankaas.
Waxaan kaloo xasuus mudan shirkii Sh Sharif iyo Faroole ku dhex maray Nairobi ee fashilka ku dhamaaday kadib markii Faroole hordhigay sharuudo adag kuwaaso Sharifku ka dhega adeygay. Waxaa kaloo lama ilooban ah Heshiiskii Galkacyo ee Dhex maray Faroole iyo Cumar Abdirashiid, Kaasoo Ka kobnaa 15 qodob. Sidan ognahay heshiiskaas barlamaanka, Gollaha wasiirada iyo madaxtooyada midna lama hor geyn.
Haddaba su’aashu waxay tahay sababta u Faroole cadaadiska intaas la eg u saaray TFG da, meeshi u garab qaban lahaa si dalka nabad loogu soo dabaalo. Miyaanu ogeyn Faroole in horumarka iyo dib u dhiska ay ka horeyso nabada la soo celiyo, mise ujeedooyin qarsoon ayaa jira.
Somalidu waxay tirahdaa “baroortu orgiga ka weyn,” taasoo micnaheedu tahay in aysan ujeedadu ahayn horumarin u Puntland hormarinayo ee ay tahay ujeedo shaqsiyadeed oo qof walba garan karo.
Faroole wuxu raba labada boos ee TFG da ugu sareysa midkood taaso ah madax weynaha ama raisulwasaaraha waana taas sababta u shir kasta oo la qabanayo u hor cararayo.
Markii Sh Sharif u diiday shirkii dhawaan jabuuti lagu qabanayey waa kii carro awadeed xiriirkii oo dhan u jaray TFG da. Dhawaana shirkii Mahiiga waa kii la wada maqlayey sidu u doonayo in wax cusub la dhiso taaso waliba Kaabihiisi hore Cabdullahi Yusuf u wareysigi VOA da ku xaqiijiyey. Gebagebadii Mr Faroole waxaan u sheegi lahaa in u hamigiisa TFG da u cadeysto oo tartanka si toos ah uga qayb galo meeshii u ku gaban lahaa qayb badan ayan u rabaa Puntland iyo shiraarka ayan hor cararayaa iyo intii u dadka sii kala fogeeynayo in u ka shaqeeyo sidii dalka nabad loogu soo dabaali lahaa, somalidana la isugu soo dhaweeyn lahaa.

DOQONTU XARKIHII LAGU XIRXIRI LAHAA AYADAA XUSULADA KU SIDATA.
Waa socotaa …La soco qaybta asbuuca so socda: “col ku dhacyey oo tuugo ku cidamisay 4 ….
Soona booqo blogs ka
http://ahmedabtidon.wordpress.com/
http://ahmedgureysblog.blogspot.com/
Lana soco maqaalada tixanaha ah ee “COL KU DHACYEY OO TUUGO KU CIDAMISAY” waa waxa dalkeenna haystee.
Wa billahi towfiiq
Waa Qalinkii Eng. Ahmedgurey W. Abtidon
CONTACT: ahmed.abtidon@gmail.com

No comments:

Post a Comment