Wednesday 22 June 2011

COL KU DHACYEY OO TUUGO KU CIDAMISAY (Part 9)


SHARIF HASSAN KUMA QANACSANA HESHIISKII KAMPALA

 Xog hoose oo aan ka helnay madaxtoyada Muqdishu aya sheegaya in gudoomiyahu baarlamaanku Sharif Hassan u rabbo in heshiiska golaha baarlamaanka la hor geeyo, si u udiido dabadeedna arrintu isugu soo arruurto  in bisha August la qabto doolrashadii madaxweynaha iyo golaha baarlamaanka.
Xildhibaan goobjog ah aya wuxu yiri:
“Shariif Hassan ula jeedkiisa kaliyah ma aheyn in Xilka laga Casilo Ra’isul Wasaarihii hore Farmaajo ee waxuu doonayaa in Heshiiska Xildhibaanada aysan rabin ee Kampala lagu soo gaaray in ay diidaan Xildhibaanada kadibna uu sheego in Doorasho la qabto taas uu doonayo in Saxibkiis Shariif uu meesha ka saaro laakiin hada ayaa waaga u baryay wiishkana ku yeeray Madaxweyne Shariif.

Warka oo dhan ka aqriso halkaan


Arrintu waxay hadda u muqataa in markii u taqalusay raisulwasarihi, in u rabo madaxweynahana inu dabadhigo. (alles oder nichts) aya la yiraah siyasadaas,
Taas oo mecnaheedu yahay ama aan wada hello ama aan wada waayo.

Waxaa murugo iyo qoomamiyo, maanqashiyo ciil leh
- Maskax iyo garaad iyo wixii, muruqba kaa liita
- Markuu adiga sharaftaad mudnayd, kaa maroorsado e

“UMMADYAHAY QABIILKIYO QARANNIMADU WAA LABA, AAN ISQAADI KARINOO WELIGOOD ISQABANEYN.”

ALLOW CULUMADA CILMIGII NOOGU SOO CELI, ALLOW DALKA NABADII NOOGU SOO CELI,
ALLOW UBADKA EDEBTII NOOGU SOO CELI, ALLOW DUMARKA XISHOODKII NOOGU SOO CELI,
ALLOW ODAYAASHA TALADDII NOOGU SOO CELI, ALLOW UMMADA AAMINAADDII NOOGU SOO CELI,
ALLOW CULUMADA DACADII NOOGU SOO CELI, ALLOW MADAX DAACADA DADKAN U SOO DIR.
Allow shacabkeena dhiigii iyo dhiranaantii iyo kartidiiba noogu soo celi.
DOQONTU XARKIHII LAGU XIRXIRI LAHAA AYADAA XUSULADA KU SIDATA.
Waa socotaa …La soco qaybta asbuuca so socda: “col ku dhacyey oo tuugo ku cidamisay….
Soo booqo blogs ka: don’t forget to rate it


No comments:

Post a Comment