Thursday 9 June 2011

qarankeenni qabyaalad aya baabi’isay (Part 1)


Waxaan rabaa qoraalkaan inaan ku darasno waxa la yirahdo Qabiilka (tribe) iyo qabyalada (tribalism) iyo aafooyinka qabyaladu leedahay iyo weliba sida ay qarankii u baabi’isay.

Eray bixin:

Qabiil: reero ama qoysas isku abtirsada iyo intii raacda si kastaba ha ku raacde ama dad danwadaag ah oo sidaas isku raacay.

English:
 1. a social group comprising numerous families, clans, or generations together with slaves, dependents, or adopted strangers
2. a group of persons having a common character, occupation, or interest

Qabyaalad: waa dareen amiinaad ah iyo daacadnimo qabiilka loo noqdo ayada oo dadka kale oo dhan laga koryeelayo lagana hormarinaayo gar iyo gardaroba.

English:

Definition: trib·al·ism: noun \-bə-ˌli-zəm\

  1. Tribal consciousness and loyalty; especially: exaltation of the tribe above other groups,
  2. Strong in-group loyalty


Haddaan wax yar aan dib u jaleecno berisamaadkii waagii aan dawlada dhexe lahayn aya waxaa caadi ahaa in ninkii badiyaha ku wareera u yimaado casimada kadibna waqti yar ka dib la arkaa asago xafiis fadhiya oo madax ah, ayado badan oo reer magaal ah oo wax bartay ay subax walba u kalahan fisha labore ama xafiiska shaqada kana soo noqdaan ayago fara maran. Waxa markii dambe dhacday oo la arkay rag aad u fara badan oo aan magacooda qori karin oo agasimayaal ah, oo markii warqad loo keeno ku leh “war aqri dee maxaa ku qoran” ama u dhiiba kuwa ka hooseeya si ay ugu aqriyaan.
Sababta maantay la isu amini la’yahay aya waxay tahay in ninkii madax laga dhigo u wixii ummadda ka dhexeeyey u reerkiisa keliya u gacan gelsho inta kalena ka omanaadaan.
Waxay manta tagantahay in reer walba yirahdo jagooyinka waweyn ayan rabna haddi kale wiilasheenu shaqo heli mayaan.
Qabyaaladu waxay hooyo iyo abbe u tahay CUNSURINIMADA, TAKOORKA, YASIDA IYO MEELKA DHACA IYO XADGUDUBKA BANIADAMKA LAGU XADGUDBAYO.
Qabiil kastaa wuxu aminsanyahay in u kuwa kale ka karaamo badanyahay, ka mudanyahay, ka tira badanyahay, ka aqoon badanyahay, ka geesisanyahay, ka caqli badanyahay, ka diin badanyahay, ka geel badanyahay, ka -------- waa socota

ALLOW CULUMADA CILMIGII NOOGU SOO CELI, ALLOW DALKA NABADII NOOGU SOO CELI,
ALLOW UBADKA EDEBTII NOOGU SOO CELI, ALLOW DUMARKA XISHOODKII NOOGU SOO CELI,
ALLOW ODAYAASHA TALADDII NOOGU SOO CELI, ALLOW UMMADA AAMINAADDII NOOGU SOO CELI,
ALLOW CULUMADA DACADII NOOGU SOO CELI, ALLOW MADAX DAACADA DADKAN U SOO DIR.
ALLOW SHACABKEENA DHIIGII IYO DHIRANAANTII IYO KARTIDIIBA NOOGU SOO CELI

DOQONTU XARKIHII LAGU XIRXIRI LAHAA AYADAA XUSULADA KU SIDATA.
Waa socotaa …La soco qaybta asbuuca so socda: Soo booqo blogs ka: don’t forget to rate it

http://ahmedabtidon.wordpress.com/
http://ahmedgureysblog.blogspot.com/
Wa billahi towfiiq
Waa Qalinkii Eng. Ahmedgurey W. Abtidon
CONTACT: ahmed.abtidon@gmail.com


No comments:

Post a Comment