Thursday 9 June 2011

WAR SAXAFADEED


Heshiiska Dhexmaray Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka (Aqri qodobada)

Go'aanada ay wada gaareen Madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka oo saameeyay xukuumada KMG ah ayaa waxa uu u qoran yahay sida hoos ku qoran.

Iyagoo ka duulaya go'’aankii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay iyo talo soo jeedintii Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Soomaaliya ee ku aadanaa in ay hogaamiyayaasha Soomaalida islameeldhigaan sida loo dhamaynayo xiliga KMG ah islamarkaana ay ka heshiiyaan xiliga la qabanayo doorashada Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa ayaa Madaxweynaha Dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo Afhayeenka Baarlamaanka waxay kulamo socday maalmo ku yeesheen magaalada Kampala ee Dalka Uganda.

Kulankaan oo uu garwadeen ka ahaa madaxweyne Museveni uuna fudeeyey ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay soomaaliya u qaabilsan ambassador Mahiga ayaa waxaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo ay ugu miimsanyihiin;-

1-      In doorashada Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa dib loo dhigo mudo sanad ah oo ka bilaabmaysa August 21, 2011.

2-      In doorashada madaxweynaha, gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa la qabto ka hor bisha Agoosto 2012.

3-      Iyadoo uu tixgelinayo baahida loo qabo habsami u socodka shaqada wanaagsan ee xukuumaddu hayso iyo in laga gudbo khilaafaadka soo dhexgalay Baarlamaanka iyo Xukuumadda, waxaa raisulwasaaruhu go’aansaday in uu dalka gudihiisa shaqada iskaga casilo soddon maalmood gudohood.

4-      Laga bilaabo maalinta heshiiska la saxiixo isla sodonkaa cisho gudahooda ayuu madaxweynuhu kusoo magacaabayaa ra’iisuwasaare cusub. Baarlamaanku wuxuu ballan qaaday in uu ansixiyo Raisulwasaaraha cusub iyo xukuumadiisaba afar iyo toban maalmood gudohooda markii loo soo gudbiyo.

5-      Dhismaha golaha wasiirada waa in la tixgeliyaa qaabka 4.5 waa in lagu dhisaa ruux wadatashi ay is aaminaad ku dhisantahay oo ay madaxda hay’adaha dawladu yeeshaan iyadoo ay xadidayso shaqooyinka hayad walba ugu tilmaaman Axdiga ku meel gaarka ah. Wasiiradu waa in noqdaaan kuwo aqoon, khibarad iyo hufnaan leh.

6-      In Baarlamaanka iyo xukuumada cusub ay ka wada shaqeeyaan sidii loo meelmarin lahaa waajibaadka marxalada KMG ah, kuwaasoo ay ugu horayso Nabadgelyada, dhamaystirka dastuurka, diyaarinta doorashooyinka, dib u habaynta Baarlamaanka iyo xoojinta xiriirinta siyaasadeed iyo wadashaqaynta dadka Soomaaliyeed ee ay wax ka go’aan.

7-      In la dejiyo howlo qeexan, qorshe waqtiyeysan iyo waajibaad tilmaaman oo lagu  dhamaystiro waajibaadka marxalada KMG ah.

8-      In la abuuro jawi ay wadashaqayn iyo iskaashi ku yeeshaan Baarlamaanka iyo xukuumada i taas loo xaqiijiyana waa in la joojiyaa dagaalka warbaahinta waana in aan mudo sanad ah mooshino laga keeni Karin Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

Sidoo kale waa in xukuumada laga keeni Karin mooshin aan sabab iyo daliil xoog badan ku dhisnayn, kaasoo ay ku khilaafayso Axdiga KMG.

9-      In lix bilood kadib dib u eegid lagu sameeyo bhawlaha Muasasaadka dawladda.

10-     In madaxda gobolka (IGAD iyo EAC) ay dhisaan hay’ad siyaasadeed oo ay kala shaqayn doonaan UNPOS iyo AU taasoo dabagasha waxqabadka iyo meelmarinta hawlaha lagu heshiiyey. Nidaaamkan oo la mid ah kii laga hirgeliyey dawladda Burundi kii lagu nabadeeyey ayaa kor meeri doonaa cunaqabatayn iyo ciqaabna saari doonaa ciddii ka hor timaadda hergelinta heshiiskan.



Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta.

No comments:

Post a Comment