.
Baaqii
4aad ee Manifesto II
Soomaaliya waxay maraysaa xilli
kala-guur iyo marxalad khatar ah oo ay ku gadaaman yihiin mugdiyo badan.
Mustaqbalka dalku wuxuu u muuqda mid fawdo iyo dagaalo sookeeye dib ugu sii
siqaya. Waxaa welwel innaga haya mudaharaadyada shacabka reer Muqdishu iyo
mucaaradka oo dhinac ah iyo DFS oo ciidamo fara badan ku soo dadisay magalada
si loo joojiyo mudaharaadyada. Mudaharaadyadii ka dhacay muqdishu bishaan
15-keedi iyo 16-keedi waxay sababeen in la isu isticmaalo rasaas nool, taas oo
keentay dhimasho iyo dhaawac. Ma muuqato ila iyo waqtiga xaadirka wax waanwaan
ah oo ka dhex socota dawlad goboleedyada, mucaaradka iyo dawlada dhexe.
Waxaan wada sugeyney in xulistii
xildhibaannada DFS la bilaabo sida ku xusnayd heeshiiskii habraaca doorashada
ee 17-kii September la saxiixay, laakiin waxaa ku yimid dib u dhac kadib markii
la isku khilaafay guddiyadii doorashada iyo xallinta khilaafaadka. Khilaafkaas
wuxuu keenay in dhamaan geedi-socodkii doorashada uu istaago.
Sida ku xusan qodobbada dastuurka KMG
ee 60-aad iyo 91-aad muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka waa 4 sano.
Qaabka hadda wax u socdaan waxaa ka muqata in firaaq siyaasadeed (political
vacuum) la gelyo, taas oo khatarteeda leh.
Dawladda iyo daneyayaasha Soomaaliya
waa in ay fahmaan muhiimada ay leedahay qabashada doorasho ku timaada wada
oggol oo ay hirgelinayaan guddiyo dhexdexaad ah, lagu wada kalsoonaan karo lana
aamini karo. Guddiyadaasi waa in ay ka madax-banaanaadaan fargelin dawladeed
iyo in ay ku dhexmilmaan shaqaalaha rayidka ah (civil servants), ciidammada,
xeer ilaaliyaasha iyo diblomaasiyiinta sida ku xusan xeerarka dalka.
Waxan welwel iyo cabsi ka qabna
hadaynu nahay Manifesto II, hadallada hanjabadda ah oo mucaaradka
iyo dawlada federaalka saxaafada isu marinayaan, khaasatan baaqyada ka imaanya
mas’uuliyiinta qaar oo la baneysanayo dhiiga mucaaradka ku shirsan Hotel Jazira
ayada oo aayado quraana la adeegsanayo.
Waxa kale oo aan ka welwelsannahay in
rabshadahaasi ka fa’ideysanayaan kooxda Al-shabaab khatar weynna ay ku tahay
amniga guud ee magalada Muqdishu, taas oo wax kama jiraan ka dhigi karta
guullihi amni ee ila hadda la gaaray.
Waxaa lagama maarmaan ah in marxalada
laga gudbo ayada oo saamileyda siyaasada cid walba doorka kaga aadan
qaadaneyso.
· Doorka DFS iyo dawlad-Goboleedyada;
Waxaa lagama maarmaan ah in ay
mas’uuliyinta DFS iyo D/Goboleedyadu is hor faristaan, oo si tanaasul,
mas’uuliyad iyo dan qaran ay ka muuqato u mujiyaan (political maturity)
qabashada doorasho wada ogol ah sida ugu dhaqsiyaha. Taas oo lamid ah kuwii
dhacay 2012-kii iyo 2017-kii.Waa in ay ka fogaadan wixii keeni kara amni-daro
iyo gacan-ka-hadal.
· Doorka beesha caalamka (international Community);
Waxan dareensanahay, dhanka beesha
caalamka qaasatan xaafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya (SRSG) in uu ka
gaabiyey in xaqiiqda iyo runta dalka taalla uu ka turjumo, kana falceliyo sidii
doorasho xor iyo xalaal ah dalka ka dhacdo. Hadaba, Unsom waxaan u aragnaa
intii ay kaalinteeda ka qaadan lahayd geeddisocodka siyaasadda iyo amniga
Soomaaliyeed in ay indhaha ka fiirsaneyso. SRSG, Amisom iyo saaxibada
Soomaaliya waa in ay door ka qaatan sidii loo xalin laha is-hor-fadhiga
siyaasadeed ee dalka ka taagan, haddii kale wixii horumar la sameeyey
sannadihii la soo dhaafay wax kama jiraan ayey noqonayaan taas oo Al-shabab
fa’ido u ah.
· Mucaaradka;
Mucaaradka waxaa looga fadhiya in
aysan marxalada jirta uga sii darin, balse ay qaboojiyaan, lana abuuro jawi
lagu wada hadli karo. Waxa kale oo muhiim ah in ay la shaqeeyaan D/Goboleedyada
si wada xaajoodka ay qayb uga noqdaan.
· Doorka Manifesto II iyo Ururada bulshada;
Manifesto II iyo ururada bulshada
waxa looga bahanyahay in ay door dhexdhexaad ah qaatan si garbaha is haysta loo
wada hadalsiin lahaa, si looga gudbo caqabadaha siyaasadeed ee is hor-yuurarka
ah. Manifesto II oo ay ku mideysanyihiin siyaasiyiin iyo
aqoonyahan soomaaliyeed ee gudo iyo dibedba jooga waxaa u muuqata khatarta ay
leedahay marxalada dalku ku jiro oo keeni karta dagaal qabiileed oo lagu
hoobto, halkaasna ay ku baaba’do rajadii dawladnimo.
List of
signatories
1.
Jama Ali Jama – Signatory of
Manifesto 1
2. Avv. Hassan Dhimbil Warsame Ex-minister & Signatory of Manifesto 1
3. Abdi Muse Mayow
4. Abdullaahi Haji Yusuf Igal, Signatory of Manifesto 1
5. Hirsi Bulhan Farah former Minister , 1967
6. H.E.Ali Abdullahi Osoble,former president of H/Shabelle
7. Faisal Abdi Roble
8. Gen. Mohamed Osman Qadi
9. Avv. Mohamed Moalim Hassan (Marocco)
10. Asha Geelle Diiriye, former minister, (P/land)
11. Eng. Ahmed Warsame Abtidon (Ahmedgurey)
12. Mudane Hared Ali Hared Ex- deputy House speaker of G/Mudug
13. Bashiir Isse Ali, former head of Somali Central Bank
14. Avv. Mohamed Mohamud Isse (Turunji)
15. Abdi Farah Said (Juxa), former Interior minister of FGS
16. Dr. Hassan Sheikh Ali
17. Avv. Shamso Sheikh Hassan
18. Dr. Sadiq Eenow Ex-Minister P/Land
19. Rage Garad Abdiqani Garad Jama
20. Eng. Ismail Dahir Osmaan
21. Abdirahman Mohamed Said (Gentleman)
22. Dr. Abdirashid Abdullaahi Mohamed (Fonka)
23. Abdirizak Omar Mohamed, Ex-minister of FGS
24. Eng. Ahmed Sabrie Siyad
25. Dr. Abdiaziz Mohamud Mohamed (Takar)
26. Abdirahim Mohamed Abshir Hamaan
27. Mohamud Haji Qore, Signatory of Manifesto 1
28. G/ Sare Mohamed Hassan H Hussein
29. Abdulkadir Nur Salad (Takar)
30. Abukar Mohamed Ali
31. Mohamed Moalin Hassan Geelle, Ex-MP (G/Mudug)
32. Dr. Aweys Omar Mohamed
33. Khalif Jama Abdulle (Mandella)
34. Mohamud Dhoollawaa, Ex-minister (P/land)
35. Abdikafi Mohamed Mohamud, Ex-minister (G/mudug)
36. Ahmed Abas Ahmed
37. Farah Ali-Shire Afbalaar, Ex-minister (P/land
38. Avv. Abdirahman Farah Qaarey
39. Eng. Abdi-Nur Ahmed Darmaan
40. Daahir Mire Jibriil
41. Eng. Siciid Xaaji Cabdi
42. Eng. Cabdi-Waaxid Axmed Xasan
43. Dr. Cumar Cabdi Barre
44. Dr. Adan Mohamed Isse
45. Hasan Oman Hashi (Suluh)
46. Dr. Hersi Abdi Oman
47. Dr. Said Mohamed Mohamud
48. Dr. Ahmed Cabdella
49. Dr. Cabdiraxmaan Cumar Warsame
50. Dr. Cabdiraxmaan Axmed Nuur (Sulub)
51. Prof. Abdullaahi Sayid Ahmed
52. Salad Ahmed Aynte – Ex-Xildh. G/Mudug
53. Prof. Asad khalif Cali-weyd
54. Prof. Cabdisalaam Xaaji Axmed Garaad Malla
55. Prof. Cabdisalaam Ciise Salwe
56. Dr. Bashiir Cali Biixi
57. Dr. Farah Ahmed Warsame
58. Dr. Jibril Ahmed Yusuf
59. Dr. Ahmed Ali Yuusuf
60. Dr. Mohamed Ibrahim Af-kul
61. Dr. Mohamed Hussein Adan
62. Dr. Ali Addawe Barkhadle
63. Amb. Yusuf Haji Said
64. Amb. Abdikariim Aw-Ali
65. Mahad Mohamed Warsame
66. Ismail Haji Warsame
67. Isse Dhoolawaa
68. Mohamed Abdirahman Janagele
69. Ahmed Siyad Bile
70. Abdullahi Salah Osman
71. Abdiwahid Ahmed Jama
72. Abdikarim Abdirahman H. Hassan
73. Eng. Abdi Ali Good
74. Salad Ahmed Aynte –
Ex-Xildh. G/Mudug
75. Mohamed Hassan
Hussein – Ex-Xildh. G/Mudug
76. Abdisalan Dahir
Abdulle – Gud. Xarunta Xalinta Qilaafadka G/Mudug
77. Avv. Khalif Mohamed
Duale
78. Abdulkhadir Ahmed
Mohamed (Chief Sagarey
79. Abdiaziz Abshir
Kilwe
Spokesperson of Manifesto II Forum:
Name: Ahmed Warsame Abtidon
Contact Number: +44 7950
519801
Email: ManifestoIIforum@gmail.com
No comments:
Post a Comment