Wednesday, 23 December 2020

Manifesto 2

 

.

Baaqii 4aad ee Manifesto II

                                                        21/12/2020

Soomaaliya waxay maraysaa xilli kala-guur iyo marxalad khatar ah oo ay ku gadaaman yihiin mugdiyo badan. Mustaqbalka dalku wuxuu u muuqda mid fawdo iyo dagaalo sookeeye dib ugu sii siqaya. Waxaa welwel innaga haya mudaharaadyada shacabka reer Muqdishu iyo mucaaradka oo dhinac ah iyo DFS oo ciidamo fara badan ku soo dadisay magalada si loo joojiyo mudaharaadyada. Mudaharaadyadii ka dhacay muqdishu bishaan 15-keedi iyo 16-keedi waxay sababeen in la isu isticmaalo rasaas nool, taas oo keentay dhimasho iyo dhaawac. Ma muuqato ila iyo waqtiga xaadirka wax waanwaan ah oo ka dhex socota dawlad goboleedyada, mucaaradka iyo dawlada dhexe.

Waxaan wada sugeyney in xulistii xildhibaannada DFS la bilaabo sida ku xusnayd heeshiiskii habraaca doorashada ee 17-kii September la saxiixay, laakiin waxaa ku yimid dib u dhac kadib markii la isku khilaafay guddiyadii doorashada iyo xallinta khilaafaadka. Khilaafkaas wuxuu keenay in dhamaan geedi-socodkii doorashada uu istaago. 

Sida ku xusan qodobbada dastuurka KMG ee 60-aad iyo 91-aad muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka waa 4 sano. Qaabka hadda wax u socdaan waxaa ka muqata in firaaq siyaasadeed (political vacuum) la gelyo, taas oo khatarteeda leh.

Dawladda iyo daneyayaasha Soomaaliya waa in ay fahmaan muhiimada ay leedahay qabashada doorasho ku timaada wada oggol oo ay hirgelinayaan guddiyo dhexdexaad ah, lagu wada kalsoonaan karo lana aamini karo. Guddiyadaasi waa in ay ka madax-banaanaadaan fargelin dawladeed iyo in ay ku dhexmilmaan shaqaalaha rayidka ah (civil servants), ciidammada, xeer ilaaliyaasha iyo diblomaasiyiinta sida ku xusan xeerarka dalka.

Waxan welwel iyo cabsi ka qabna hadaynu nahay Manifesto II, hadallada hanjabadda ah oo mucaaradka iyo dawlada federaalka saxaafada isu marinayaan, khaasatan baaqyada ka imaanya mas’uuliyiinta qaar oo la baneysanayo dhiiga mucaaradka ku shirsan Hotel Jazira ayada oo aayado quraana la adeegsanayo. 

Waxa kale oo aan ka welwelsannahay in rabshadahaasi ka fa’ideysanayaan kooxda Al-shabaab khatar weynna ay ku tahay amniga guud ee magalada Muqdishu, taas oo wax kama jiraan ka dhigi karta guullihi amni ee ila hadda la gaaray.

Waxaa lagama maarmaan ah in marxalada laga gudbo ayada oo saamileyda siyaasada  cid walba doorka kaga aadan qaadaneyso.

·       Doorka DFS iyo dawlad-Goboleedyada; 

Waxaa lagama maarmaan ah in ay mas’uuliyinta DFS iyo D/Goboleedyadu is hor faristaan, oo si tanaasul, mas’uuliyad iyo dan qaran ay ka muuqato u mujiyaan (political maturity) qabashada doorasho wada ogol ah sida ugu dhaqsiyaha. Taas oo lamid ah kuwii dhacay 2012-kii iyo 2017-kii.Waa in ay ka fogaadan wixii keeni kara amni-daro iyo gacan-ka-hadal. 

 

·       Doorka beesha caalamka (international Community);

Waxan dareensanahay, dhanka beesha caalamka qaasatan xaafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya (SRSG) in uu ka gaabiyey in xaqiiqda iyo runta dalka taalla uu ka turjumo, kana falceliyo sidii doorasho xor iyo xalaal ah dalka ka dhacdo. Hadaba, Unsom waxaan u aragnaa intii ay kaalinteeda ka qaadan lahayd geeddisocodka siyaasadda iyo amniga Soomaaliyeed in ay indhaha ka fiirsaneyso. SRSG, Amisom iyo saaxibada Soomaaliya waa in ay door ka qaatan sidii loo xalin laha is-hor-fadhiga siyaasadeed ee dalka ka taagan, haddii kale wixii horumar la sameeyey sannadihii la soo dhaafay wax kama jiraan ayey noqonayaan taas oo Al-shabab fa’ido u ah.

·       Mucaaradka;

Mucaaradka waxaa looga fadhiya in aysan marxalada jirta uga sii darin, balse ay qaboojiyaan, lana abuuro jawi lagu wada hadli karo. Waxa kale oo muhiim ah in ay la shaqeeyaan D/Goboleedyada si wada xaajoodka ay qayb uga noqdaan.

·       Doorka Manifesto II iyo Ururada bulshada;

Manifesto II iyo ururada bulshada waxa looga bahanyahay in ay door dhexdhexaad ah qaatan si garbaha is haysta loo wada hadalsiin lahaa, si looga gudbo caqabadaha siyaasadeed ee is hor-yuurarka ah. Manifesto II oo ay ku mideysanyihiin siyaasiyiin iyo aqoonyahan soomaaliyeed ee gudo iyo dibedba jooga waxaa u muuqata khatarta ay leedahay marxalada dalku ku jiro oo keeni karta dagaal qabiileed oo lagu hoobto, halkaasna ay ku baaba’do rajadii dawladnimo.

List of signatories

1.     Jama Ali Jama – Signatory of Manifesto 1

2.       Avv. Hassan Dhimbil Warsame Ex-minister & Signatory of Manifesto 1

3.       Abdi Muse Mayow

4.       Abdullaahi Haji Yusuf Igal, Signatory of Manifesto 1

5.       Hirsi Bulhan Farah former Minister , 1967

6.       H.E.Ali Abdullahi Osoble,former president of  H/Shabelle

7.       Faisal Abdi Roble

8.       Gen. Mohamed Osman Qadi

9.       Avv. Mohamed Moalim Hassan (Marocco)

10.    Asha Geelle Diiriye, former minister, (P/land)

11.    Eng. Ahmed Warsame Abtidon (Ahmedgurey)

12.    Mudane Hared Ali Hared Ex- deputy House speaker of G/Mudug

13.    Bashiir Isse Ali, former head of Somali Central Bank

14.    Avv. Mohamed Mohamud Isse (Turunji)

15.    Abdi Farah Said (Juxa), former Interior minister of FGS

16.    Dr. Hassan Sheikh Ali

17.    Avv. Shamso Sheikh Hassan

18.   Dr. Sadiq Eenow Ex-Minister P/Land

19.    Rage Garad Abdiqani Garad Jama

20.    Eng. Ismail Dahir Osmaan

21.    Abdirahman Mohamed Said (Gentleman)

22.    Dr. Abdirashid Abdullaahi Mohamed (Fonka)

23.    Abdirizak Omar Mohamed, Ex-minister of FGS

24.    Eng. Ahmed Sabrie Siyad

25.    Dr. Abdiaziz Mohamud Mohamed (Takar)

26.    Abdirahim Mohamed Abshir Hamaan

27.    Mohamud Haji Qore, Signatory of Manifesto 1

28.    G/ Sare Mohamed Hassan H Hussein

29.    Abdulkadir Nur Salad (Takar)

30.    Abukar Mohamed Ali

31.    Mohamed Moalin Hassan Geelle, Ex-MP (G/Mudug)

32.    Dr. Aweys Omar Mohamed

33.    Khalif Jama Abdulle (Mandella)

34.    Mohamud Dhoollawaa, Ex-minister (P/land)

35.    Abdikafi Mohamed Mohamud, Ex-minister (G/mudug)

36.    Ahmed Abas Ahmed

37.    Farah Ali-Shire Afbalaar, Ex-minister (P/land

38.    Avv. Abdirahman  Farah Qaarey

39.    Eng. Abdi-Nur Ahmed Darmaan

40.    Daahir Mire Jibriil

41.    Eng. Siciid Xaaji Cabdi

42.    Eng. Cabdi-Waaxid Axmed Xasan

43.    Dr. Cumar Cabdi Barre

44.    Dr. Adan Mohamed Isse

45.   Hasan Oman Hashi (Suluh)

46.   Dr. Hersi Abdi Oman

47.   Dr. Said Mohamed Mohamud

48.   Dr. Ahmed Cabdella

49.   Dr. Cabdiraxmaan Cumar  Warsame

50.   Dr. Cabdiraxmaan Axmed Nuur (Sulub)

51.   Prof. Abdullaahi Sayid Ahmed

52.   Salad Ahmed Aynte – Ex-Xildh. G/Mudug

53.   Prof. Asad khalif Cali-weyd

54.   Prof. Cabdisalaam Xaaji Axmed Garaad Malla

55.   Prof. Cabdisalaam Ciise Salwe

56.   Dr. Bashiir Cali Biixi

57.   Dr. Farah Ahmed Warsame

58.   Dr. Jibril Ahmed Yusuf

59.   Dr. Ahmed Ali Yuusuf

60.   Dr. Mohamed Ibrahim Af-kul

61.   Dr. Mohamed Hussein Adan

62.   Dr. Ali Addawe Barkhadle

63.   Amb. Yusuf Haji Said

64.   Amb. Abdikariim Aw-Ali

65.   Mahad Mohamed Warsame

66.   Ismail Haji Warsame

67.   Isse Dhoolawaa

68.   Mohamed Abdirahman Janagele

69.   Ahmed Siyad Bile

70.   Abdullahi Salah Osman

71.   Abdiwahid Ahmed Jama

72.   Abdikarim Abdirahman H. Hassan

73.   Eng. Abdi Ali Good

74.   Salad Ahmed Aynte – Ex-Xildh. G/Mudug

75.   Mohamed Hassan Hussein – Ex-Xildh. G/Mudug

76.   Abdisalan Dahir Abdulle – Gud. Xarunta Xalinta Qilaafadka G/Mudug

77.   Avv. Khalif Mohamed Duale

78.   Abdulkhadir Ahmed Mohamed (Chief Sagarey

79.   Abdiaziz Abshir Kilwe

 

 

 

 

Spokesperson of Manifesto II Forum:
Name: Ahmed Warsame Abtidon

Contact Number: +44 7950 519801
Email: 
ManifestoIIforum@gmail.com