Monday 11 April 2011

COL KU DHAC OO TUUGO KU CIDAMISAY (PART 1)

Waxaa hubaal ah in ay Somalia baab’aday oo aysan jirin umad ahan, dawlad ahaan, dhaqan ahan, dhaqaalo ahaan, mushtamac (society) ahaan iyo dal ahaanba.
Somalidu waxay tiraah “canno daatay waa la dabaqabtaa”, hadaba waxaa loo bahanyahay inaan su’aalo badan isweydiino, jawaabana u raadino si wax loo dabaqabto marxaladan murugta leh.
Waxa kaloo hubaal ah in marxalada dalku marayo mantay ay tahay tii ugu xumeyd labatankii sano ee la soo dhafay marka laga reebo labadii sano ee xabashidu xamar haysatay. Waxaa qof kasta oo wax garta u muqda in mantay taladu somalida faraheeda ka baxday oo ay dad ujeedooyin qarsoon leh gacanta u gashay, waxayna u muqataa inay arrintu gebogebo tahay oo meeshii lala rabay la gaarsiiyey mardhawna la soo afjari doono mushkilada dabada dheeraatay ee geeska Afrika.

Si kastoy noqotaba xalka dalkaan loo dejiyey ma noqon doono mid ay Somalidu inteeda badani ku farxi doonto. Waxayna kalifi doontaa dagaalka sokeeye ee dalkaan naafeeyey inu sii daba dheeraado oo labatan sano oo kale sii socdo, kaasoo meesha u ku dhamaan doono ay adagtahay in la qiyaaso.

Hadaba maxaa maantay Somali la gudboon? Xagee xalku jiraa? Maxaa ugu horeya (Priority) oo lagu dhaqaaqa?
Su’aalahaas in jawaab loo helo add bay u adagtahay marka laga eego inaan waxba Somalida gacanta ugu jirin. Waxaan wada ogsoonahay in waqtiga xadirka ah dalka looga taliyo Nairobi, Addis, Kampala iyo Bujumbura. Waxaan u wada jeedna sida foolxumada badan ee Amb. Mahiga ula dhaqmayo oo sida caruur yaryaro agoon ah, asaguna mas’uul ka yahay hadba meel uga yeerayo. Waa wax runtii laga yaqyaqsoodo, war so tan la dhihi jiray “cad quureed gaajo gobannima ka roon”!

Hadaan dulucdeydii u soo laabto, horta cida is haysata ee dhiban heshiina la’ waa Somalida, marka waxa loo bahanyahay in Somalidu wada hadasho si qilaafadka jir xal loogu helo ayado dalka gudihiisa lagu wada hadlayo.
Waxay ila tahay in dawlada federalka ah ee hadda jirtaa lumisay waqti dahab ah oo lagu wada hadli lahaa si dib u heshisiin dhab ah loo sameeyo, mushkiladana aan dibadaha lagula carari ee gudaha loogu xaliyo.
Waxan aminsanahay in Mushkiladaan ay Somali kaliya xalin karto ee aysan shisheeye u xalin Karin. Labadii sanno ee ugu dambeysay waxaa lagu mashquulay dagaal kasoo ummadii u horseeday burbur iyo baaba’ baahsan iyo qax taaso welibana ay abaaro u dheeraayeen.
Waxay ila tahay muhimada (priority) kowaadi waa in la raadiyo dariiqiyo lagu wada hadlo (diplomatic channels) dalka gudihiisa.
Waxaan kaloo aminsanahay mamul goboleedyada dibadaha lagu dhisayo inaaney fa’ido lahayn ee haddii mamul la dhisayo ay dadka dagaanku soo dhistaan. Maamul goboleedyada faraha badan iyo madaxweynayaasha faraha badan ee dibadaha looga dhawaaqyo waxa looga danleeyahay inusan dalkaani degin oo lagu furfuro (defragmentation), laba gobolo kastana is qabsato amaba reero gobol wada degeni isku qabsadaan.
Madama aan wada ognahay ineysan wadamada deriska ah iyo kuwa calamkaba (international community) xal u hayn Somalida mecno weyn ma sameyneyso in loo kala dhuunto oo midba midka kale ku diro sidaasna weligeed la isu haysto.

DOQONTU XARKIHII LAGU XIRXIRI LAHAA AYADAA XUSULADA KU SIDATA.

Waa socotaa …….
Wa billahi towfiiq
Waxa qoray Eng. Ahmedgurey W. Abtidon
Contact: ahmed.abtidon@gmail.com

No comments:

Post a Comment