Wednesday 6 April 2011

Halgankii Dhicisoobay

Halgankii Dhicisoobay ee Qarankeenii Ina Dhaafshay, Qomamaa ka Dambeysay
Qormadaan waxaan rabaa inaan wax ka iraahdo qormooyinkii ay is dhaafsadeen Dr. Hiraabe oo ah nin aan qormooyinkiisa jecelahay iyo Oromo oo asna qoraalo badan qoray: “Cali iyo Caydiid mise Cali iyo macaawiye”.
Ugu horeyn marxalada hadda taagani iyo tii Cali iyo Caydiid wax badan ayey kala duwanyahiin, ragga hadda joogaana way ka duwanyihiin kuwii hore, sababto ah Sh Shariif waa nin ahlu diin ah, waa ninkii aan gudoomiyaha gudiga fulinta u dooranay, waa ninkii aan gudoomiyaha ururkii dib u xoreynta u dooranay oo maantayna quwadihii shisheeye ee naga soo horjeeday ay ogolaadeen inu madaxweyne noo noqdo, waana fursad qaali loona bahanyahay inaan ka fa’ideysano.
Sh. Sharif waxaa looga fadhiyaa inu asaxaabtiisi hore ay u wada shaqeyn jireen u gacanta u fidiyo kuna soo dabaalo barnamijka socda. Sh. Xasan Dahir Aweysna ma aha Caydiid ee waa nin diinta ehel u ah oo dadka aan burbur dambe u hor seedi doonin, marka yaan laga hor dhicin. Madaxweyne Sh. Sharif howsha ugu weyn ee hortaala waa NABADEYN IYO SOO CELINTA ABNIGA IYO KALA DAMBEYNTA (reconciliation, security and rule of law).
Ragiina wax qorana waxaan idin oranayaa, Qormooyinkiini hore bedela oo daruurtaan nabadeed ee illahay  maantay Xamar kor keenay, in ay ku da’do ha lagu gubaabsho, Ummadaan 20ka sano masiibadu ku habsatay ee noqotay, mid la dilay, mid hambo xabadeed ah oo cuuryaan ah, mid badu liqday, mid qaxooti ah oo wadama kale lagu bahdilo, qaar gaaloobay oo diintii laga saaray, qaar la yeeshay oo dad kale iska kaxaysteen, qaar macluul iyo gaajo dishay oo wax u gagaara wayey, iyo qaar dil sugayaal ah oo inay xabad ku dilaan inkaar qabayaal magac dimeed wata. Marqaati waaxa ka ah dadka masaakiinta ah ee Dhusamareeb, Guriceel, Masagawa iyo Xamarba lagu laynayo ayadoo diin lagu gabanayo.
Lixdii sano ee ugu dambeysay dadku ku nool kunfurta Soomaaliya figirkoodi aad ayu isu bedelay halkan dheer oo nabadii iyo kala dambeyntii lagu soo celinayana waa la galay, dadkuna dadkii 91kii waa ka fakir duwanyahay.
Haddaan u soo noqdo waqtigii USCda  garahaan Cali iyo Caydiid midkoodna dawlad xalaal ah oo wada tashi iyo gorgootan dheer iyo dibu heshisiin ku timid Xamar ma keenin ee wixii hore u yaalay ayey waxay burburshaan iyo wax ay beec geeyaan ey ka dhigeen. Cali iyo Caydiid beelo walaalo ah oo deris wanaag iyo nabad ku wada noolaasho ka dhexeysay, weligoodna colaado iyo dagaalo aanay dhexmarin ayey isu adeegsadeen.
Cali iyo Caydiid, anigu waxaan  qabaa inaaney ahayn rag qaran ama ujeedo qaran lahaa ee ay ahaayn sidii laba qolo oo geeli ay soo dheceen ku dirirtay, ama qolyihii la sheegayey ee la yiri qabaal wiil jabshay ayey boqol nin isaga dileen. Dagaalkoodi wuxuu meesha ka saaray ujeedadii qarannimoo ee halganka loo soo galay dhiiga badana loo daadshay. Sidaa kuwa qabaalka ku diriray u garan waayeen iney qabaalka kabtaan ayey kuwaana u garan waayeen inay isu tanaasulan oo qaranka wada dhistaan.
Haddii 91kii taas Cali iyo caydiid garan lahayeen maantay Amxaar injir lihi inta Xamar yimaado sideed Xafadood dhulka lama simeen masajidyadana kuma xaareen. Waxaa hubaal ah xalku waqtigii Cali iyo Caydiid inu taan ka sahlanaa, laakiin waxay ku sifoobeen:
Siyaasiin isku sheegyadii USC horboodayey oo dhamaantood low class ahaa ayagoo dadkii Xamar qoloqolo u kala saaray, iskana horkeenay.
Ayagoo seegay inay dembileyaashi beelahooda ka soo jeeday ee golihii sare ee kacaanka  qabqabtaan.
Ayadooo ujeedo qaran mesha ka maqneyd
Gorgortan Qabiil iyo isqanci la’aan
Xalko xabad lagu raasho
Danta shaqsi oo laga hormarsho tan guud
Farateysi ama bililiqo baahsan aan cidina wax ka oran
Macaash raaadis oo dariiq kasta loo maro
Iibsi hantidii qaran iyo sun ku dugistii wadanka
Siyaasin wax garta oo aan maslaxa ka dhexmuuqan
Danti qaran oo lagu badeshay wax yar oo dollar ah

Marka waxaa ila haboon in aan dooda kor uga qaadno oo nidaamka qoloqoleysiga ka saarno aan qaran dhisid ka hadalno (Nation building).
Waa inaan ka gudubnaa nidaamka ah in shaqsi walba yiraahdo haddii wixii lagu heshiyaba aan la igu darin looma dhameyn, oon u gudubna in shaqsigu haddii uusan boos helin chance dambe u sugto kuna samro wixi lagu heeshiyo.
Waa inaan la nimaadno cada siyaasadeedka calamka looga dhaqmo (political culture) oo ku dhisan tartan, fakir, iyo aqoon dynaamig ah, kana tagno siyasadaan xun ee farfar ku taagga ah ee qayaxan ee dunida oo dhami nagula yaabtay oo weliba noqotay wax afrikaanku ay political joke ka sameeyeen ama ku shacireystaan(ku maadeystaan).
Waar wax Qabiil ka weyn aya na mideeya, Soomaalibaan wada nahay, Muslinbaan wada nahay, Sunibaan wada nahay, shaaficiyaan wada nahay, hal degaan ayaan wada leenahay, hal luuqadna waa wada leenahay. Waxa Noobigu garto miyaan garan weyney.
Waa.
Ninka siyaasada hunguriyey figirna waa la yimaada figirna waa diida, lakin anagu yanaan hal nin figirkiis qolo lo nusbeyn, hana la kala saaro figirka shaqsiga iyo kan guud.
Sideedaba anigu koley qabiliyologiga ama culunta qabiilka ma aaminsani sababta oo ah waa cilmi aan billow iyo dhamaad toona lahayn. Cilmigu waa inu billow (book1) iyo meel looga najaxo oo degree looga qaato leeyahay nidaamka qabiilku ma laha waana sida basasha oo kale oo waa qolfo kaliyaha.
Haddaba Dooda hadda taagani ma aha arrin laba beelood u dhaxaysa, meeshuna miyi maha, ceel layskuma haysto, geelna lama kala qaadin, gabarna lama kufsan.
Sheekadu diina ma aha oo anagoo dhan boqolkiiba boqol dad muslim ah ayaan nahay, ee waxa aan ka hadlayno waa qaran dumay oo sabaabo badan awgeed u dumay sidii dib loogu dhisi lahaa (modern nation building).
Doodu laba qolo waa ka weyntahay, sheekadu qaran bay tagantahay, marka aniga waxay ila muuqata inaan marxalada maantay taagan aan la barbar dhigi karin tii 91kii ama tii asaxaabihii. Ragga maantay jihaadka la taaganna diin u diriri mayaan ee masiir siyaasadeed ayey qori caradi ku raadinayaan, hadday dacad yihiina ha ku soo biireen Dawlada Sh. Sharif asaga aya wadadii xukun shareecada islaamka la isku xukumo na gaarsiinaye.
Waxaa hubaal ah in siyaasadii USCda ee 91kii ay taarikh mugdi ah noo horseday, waxaanse jeclaan lahaa inaan horey fiirino loona wada tafa xayto sidii dawladnimadii iyo kala dambeyntii loo soo celin lahaa.
Waxaan ognahay ilmaha 91kii afar jirka ahaa inu maantay joogo asagoon aqoon waxa ay dawladi tahay, marka fadlan qormooyinkiina iyo doodaha ha loo badiyo qaran dhis nabadeyn, iyo waxbaris jiilka da’yarta ah.

Wabillahi tawfiq                    February 13, 2009



No comments:

Post a Comment