Thursday 7 April 2011

NABAD MISE COLAAD




SHIIKH HASSAN DAHIR MA NABADU KEENAY MISE COLAAD IYO DHIILO HOR LEH AYU WADAA?



Marka hore mahadi allaha weyn ayey u sugnaatay, naxariis iyo nabadgelyona nabigeeni suubana korkiisa ha ahaato.

Marka xigga waxaan halkaan ku salaamaya dhamaan ummada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Marka xigga waxaan tacsi u diraya geesiyaasha naftooda iyo dhiigooda, iyo maalkooda u huray dib u xoreeynta dalka hooyo. Janaadii ilaahay ha ka waraabsho.

Waxaan kaloo Tacsi u diraya anigoo aad uga tiiranyeysan dhamaan eheladii ay ka geriyoodeen mujahidiinta kala ah Sharif Maxamud Xassan Kariye, Maxamed Maxamud Jimcaale Cagaweyne iyo Abdullahi Cise Abtidon.

Kuwa dhiiga shacabka masaakiinta ee masiibadu ku habsatay sida sharci darada ah maalin walba u daadinayaa insha allah maalin lagu xisaabtamo ayaa imaan doonta, lamana iloobi doono.

Haddaan dib ugu soo noqdo Dulucda qoraalkeyga waxaan rabaa bal inaan wax ka irahdo socdaalka Sh Dahir Aweys iyo wareysiyadii u ka sii dayey idaacadaha.
Haddaan wax yar dib ugu noqdo sanadkii 2006 kadib markay bilaabeen war lordskii  dhiig cabyada ahaa (la dagaalanka argagixisada) inay culumada beec geeyaan oo ka iibiyaan xukumadii Bush ee Mareykanka ka talineysay aya dadweynaha reer Muqdishu waxay bilaabeen inay garab istaagan culumadii oo ay dafacaan.

Arrintaasi waxay keentay in ragii 15ka sano shacabka birmageytada ah xasuuqayey maalmo kooban looga taqaluso.

Dalka hooyo wuxuu maantay maraya marxalad aad u adag oo taariikhi ah isla markaasna xasaasi ah, una bahan in wax laga qabto oo sida ay hadda tahay aan lagu fiirsan karin. Waxay u bahantahay, meesha xaalku hadda marayo in laga hagaajiyo mooye aan looga sii darin, wixii uga sii darayana laga hortago.
Waxay kaloo u bahantahay in maantay shacabka loo hiiliyo, oo looga hiiliyo beladaan diinta ku adeeganeysa, dadkana cuneysa.

Waxaan aragna raggii shalay shacabku u hiiliyey oo aan maantay dan ka lahayn shacabka ayagoo si ula kac ah shacabkii u gumaadaya.Culumaddii maantay waxay u kala baxeen qaar wax gumaadaya iyo qaar ku fiirsanay oo aan xaqii sheegeyn. Waxan ognahay Shiikh Xasan Dahir inu 30 sanadood iyo weliba sa’id dagaal ku jiray kaasoo dad fara badan oo Soomaali ah ku naf iyo maalba waayeen. Natiijada dagaaladaas ka soo baxday waan wada ognahay.Maantay waxaa la soo gaaray waqtigii qorika la iska tiirin lahaa oo qaab nabad ah wax lagu raadin lahaa. Dagaal wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho.

Shiikha waxaan xasuusinaya dhibatada dabada dheeraatay ee ummadaan ku habsatay in aw isagu si toos ah ugu lug lahaa.“Aqoon daro illahow ha nagu cadabin, eexashose ha nooga tegin.”

 
Haddalada Shiikh Xassan ka soo yeeray anigu koley kuma farxin, sababta oo ah waxay igu muuqdeen kuwo dhabaato, dhiilo iyo dagaal soo kordhinaya. 
Shiikh Xassan waa shaqsi diinta yaqaan ogna waxa saxa ah iyo dariqa toosan, umase arko nin aw u muuqdo dariiqaas, Sababaha soo socda awgood.
Waa wax laga xumaado in Shiikh Xassan yirahdo Shiikh Sharif cadaw ayu uu shaqeynayaa. Markii Shiikhu ka hadlayey dhaqan gelinta shareecada wuxuu yiri; “Dadkii keenay masaladaan ayaa hirgelinay”, lakin waxaa noo muuqda in dadkii masaladaan keenay ay yihiin kuwaas Al Shabaab ay midmidka u qaarijinayaan.

 Shiikh xassan Dahir waxaan weydiinayaa su’aalahaan soo socda: Maxaad Shiikhow uga hadli weysay mujahidiinta xaqdarada Al Shabaab ku leyneyso?Maxaad uga hadli weysay isku daygii lagu dili lahaa Sh Cabdulqadir Cali Cumar?Maxaad uga hadli weysay isku daygii lagu qarajin lahaa Nabdoon Ahmed Diiriye?Maxaad uga hadli weysay qarajinta sharci darada ah ee Al Shabaab ka wado inta u dhaxaysa Galkacyo ilaa Marka.

Maxaad uga hadli weysay shacabka lagu layey Dhusamareeb, Guriceel, Mataban, Ceelbuur, Beledweyn, Jowhar, Xamar, Marka iyo meelo kaloo badan ayadoo la adeegsanaya magac dimeed? Waxaan kaloon Shiikha weydiinayaa Xal aan Xabad ahayn ma haysa?Adeer ujeedadaadu hadey tahay kursiga Shiikh Sharif Shiikh Axmed ku fadhiyo, ogow kursiga hal qof ayaa ku fariisan lahaa, maantayna waxaa ku fadhiya Shaqsi Soomaali oo dhan ay raali ka tahay loona bahanyahay in aad adiguna raali ka noqotid.

Waxaan u haystay inaad tahay halyey u kacay ummada, lakin markaan si aad ah ugu fiirsado erayadaada waxaa ii soo baxaysa inaad weli dagaal u ciil qabto. Taas ummada soomaaliyeed kuwood wanaag doonka ah kulama qabaan, kuwa Puntland tahniyadaha kaga soo dirayana waxay raba inay Xamar sii baaba’do oo anay weligeed degin. Shiikh Sharif Sh Axmed mudadii yareyd ee uu Xamar joogay wuxuu qabtay hawlo fara badan oo mirahooda hada la arko, wax alla wixii hawsha socota carqaladeynayana waa in laga hortago.

Somaalidu waxay tirahdaa “warimeyside war ha ka haro”, marka adeer mantay waa aduun berrina waa akhiro. Waad soo halgantay ee adeer waqtigii nasashada ayaad ku jirta ee naso,Waxaan ku jirna waqtigii isbadelka jiilka, marka Fadlan jiilka ka yar hawsha u da.

Waxaa hubaal ah inay ragii siyaasada isku hayey 40kii sano ee la soo dhaafay isku telex tageen illaa iyo gaallo iyo Amxaaro la isu soo kaxaystay. Maantay xaq doon ma aha ee waa xal doon,Maantay waxay taagantahay daba qabasho.Maantay waxay rabtaa u gargaaris.“Canno daatayba dabdoodaa la qabtaa”.Maantay arrintu shacabka ayey taagantahay, ee shacabkow isusoobaxa oo ka mudaharaada dadkaan dhiigina baneystay.Shacabkow ka dhiidhiya dhiiglawayaashaan dhiigiina baneystay.War ummadow isku soo baxaa oo cod keliya ku dhaha diidnay oo diidnay,Dagaal dambe diidnay.

War kuwa agtiina hoobiyaha ka ridaya qabta oo dhagax ku dilla dhiigiisu waa banaanyahaye. War kuwa gafuurka duubtay qabta oo dhagax ku dilla.Shacabku waa inu isusoo baxo oo mar kale ay ka dhidhiyaan dhibka loo geysanayo, waana in ay taageeraan nabada. 

ALLOW CULUMADA CILMIGII NOOGU SOO CELI,ALLOW NABADII DALKA NOOGU SOO CELI,ALLOW UBADKA EDEBTII NOOGU SOO CELI,ALLOW DUMARKA XISHOODKII NOOGU SOO CELI,ALLOW ODAYAASHA TALADDII NOOGU SOO CELI,ALLOW UMMADA AAMINAADDII NOOGU SOO CELI,ALLOW CULUMADA DACADII NOOGU SOO CELI,
Allow shacabkeena dhiigii iyo dhiranaantii iyo kartidiiba noogu soo celi.WIXII DHIIG LAHOW KACA. 

Wa billahi tawfiqWq: Ahmed W AbtidonEmail: 
ahmedgurey007@hotmail.com

No comments:

Post a Comment