Thursday 14 April 2011

COL KU DHACYEY OO TUUGO KU CIDAMISAY (PART 2)

Waxaan rabaa maantay inaan bal yara falanqeeyo gudomiyaha barlamaanka Somaliyeed ee ku meel gaarka ah doorka u ka cayaarayo siyaasada Somaliyeed iyo Shaqadiisu waxa loo bahnaa in ay noqoto.
Maxay kula tahay shir ay dawlada ingriiska ama talyaniga ama fransisku amaba jarmalku ay diiday, haddii afhayeenka barlamaanka (speaker of the parliament) inta dayaarad qaato uu asagu ka qayb galo!!!! Jawaabtu waa qayaamo qaran.
Markaad u fiirsato dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee dalka hooyo waxaa ku soo baxaya sawir jahwareer iyo isku dhex yaac ah oo aan la fahmeyn dhinaca loo socdo iyo dhinaca laga yimid. Waxaa kaga sii daran in aan la kala garan Karin madaxda dalka ugu sareysa shaqooyinka ay kala leeyihin.
Dawladaani waa dawlad dib u heshisineed, ku meel gaar ah, oo laga rabo in ay dalka nabad ku soo dabaasho una diyaar gareyso sidii looga bixi laha ku meel gaarka oo dawlad rasmi ah la isugu duba ridi lahaa.
Lakin waxaa muqata in ay hawlo kale oo kuwii loo igmaday ahayn ku dhex jirto ha u horeeyo gudoomiyaha barlamaankuye.
Waxyabaha aad la yaabeysid waxaa ugu daran isku dhex yaacsanaanta hayadaha saddexda ah ee dawliga, kuwaaso kala ah sharci dejinta (Legislative), fulinta (Exective) iyo Garsoorka (Judiciary).
Horta Gudomiyuhu shaqadiisu maxay tahay?
Sida ka muqata magaca jagadaan waa inu gudoomiyo shirarka barlamaanka ama golaha shacabka, ilaaliyo habnimo u socodka doodaha barlamaanka iyo qaybsiga hadalka, (sida aan ku aragno barlamaanka ingriiska waa inu “order .. order ka dhex yirahdo aqalka lagu shirayo ee ma ahaa in u shirar kale ka dhex qaylyo).
Waa inu la socdo shaqada gudiyada kala duwan ee barlamaanka, waana inu isku xiro barlamanka iyo hayadaha kale ee dawliga ah si wadanka nabad loogu soo dabaalo.
Lakin sida muqata Sharif Hassan waa ka awood badanyahay gudoomiye barlamaan oo wadanka asaga ayaba raisul wasaare iyo madaxweyne ka ah oo weliba wasiirka arrimaha dibedana asagaba shaqadisii haya.
Waaba yaabe gudoomiyuhu fara badana!!!!!!
Waxaan sidaas u leeyahay asaga ayaa shiraarka dibada ka qayb gala oo dawlada mitala, asaga aya go’aamiya marka doorashada la qabanayo iyo marka dawlada la kala dirayo, waa sidey u muqato. Waxan maalin walba maqalna ama aqrinaa gudoomihii barlamaanka aya calamka (international community) Nairobi kula shiray.
Sida aan la socono wadanka jagada ugu sareysa waxaa ku fadhiya Sh. Sharif Shiikh Ahmed oo ah madaxweynaha dalka, tan ku xigtana waa raisul wasaaraha oo ah hogaamiyaha dawlada.
Marka haddii dawladu tiri shirka ka dhacaya Nairobi kama qayb geleyno oo madaxweynihii iyo raisul wasaarihiiba isku raceen, sidey ku dhacday in gudoomiyihii barlamaanku u ka qayb galo shirkii dawladu diiday inay ka qaybgasho. CJIIB.
Miyusan gudoomiyuhu dawlada kamid ahayn? mise gudoomiyuhu maba fahamsana dawladu waxay tahay iyo shaqooyinka la kala leeyahay. Su’aalahaas waa kuwo u bahan in aan isweydiino jawaabna u helno.
Sidaan kor ku soo xusay dawladu waxay ka kobantahay saddex hayadood, barlamaankuna waa hayad kamid ah saddexda hayadood.
Halkaas waxa ka muqata oo marag madoonto ah in gudoomiyaha barlamaanku ka horyimid nidaamkii dawliga aha.
Waxaa dawlada ku meel gaarka ah looga fadhiya in ay go’aan cad oo aan leexleexad lahayn ka qaadato dhamaan kuwa ka qayb galey shirka ka socda Nairobi oo ambassador Mahiga ku adkeystay in la qabto inkasto ay dawladu diiday.
Bal aan dhawrno waxa dawlada ku meel gaarka ahi arrintaas ka tirahdo iyo go’aanka raisul wasaaraha, madaxweynaha iyo golaha barlamaanku arrintaas qaataan.
Waxay kaloo ila tahay inaan laga amusin arrintaas oo dhamaan Somali meel ay joogtaba laga hadlo qof walbaa fikirkiisa soo bandhigo oo dood arrintaas ku sabsan la furo.

Maantay intaas ayan ku joojinaya lakin la soco qaybaha dambe ee “col ku dhac oo tuugo ku cidamisay part 3.”




DOQONTU XARKIHII LAGU XIRXIRI LAHAA AYADAA XUSULADA KU SIDATA.
Waa socotaa …La soco qaybta asbuuca so socda: “col ku dhacyey oo tuugo ku cidamisay….
Soona booqo blogs ka:
http://ahmedabtidon.wordpress.com/ iyo
http://ahmedgureysblog.blogspot.com/
Wa billahi towfiiq
Waa Qalinkii Eng. Ahmedgurey W. Abtidon
CONTACT: ahmed.abtidon@gmail.com

No comments:

Post a Comment