Thursday 19 May 2011

COL KU DHACYEY OO TUUGO KU CIDAMISAY (PART 6)


XILDHIBAANNIMOY XAAL QAADO

Inta anan u gelin qoraalkeyga waxaan rabaa inan halkaan tahniyad iyo salaan diran u diro Somaliland oo maantay u dabaal degeysa sanadguradi 20 aad ee goni isu taaga. Waxaan idin leyahay guleysta walaalyaal waxaad sameysateen wax lagu daydo, sanadka sanadkiisana burwaaqo iyo baraare ku gaara.

Waxaa dalkeena ka suulay raadkii iyo muuqaalkii dawladnimadii, nabadii iyo kala dambeyntii ayadoo maantay calamku ku tilmaamo “failed state ama ungoverned space” oo mecnaheedu yahay dal isxukumi waayey ama meel aan cidina xukumin. Marka waxaa lagama maarmaan ah inaan ka hadalno kana doodno aafooyinka dalkeena ku habsaday ee dabada dheeraaday.
Waxaa hubaal ah oo aan sharaxaad u bahneyn in dalkeennu marxalad aad u adag oo murugo iyo xanuun badan ku jiro, taaso u bahan dad caqli, xeelad iyo karti fara badan leh kana saari kara marxaladaan, mana muuqdaan dadkaasi inkastoo tii rabi jirto.
Somalidu waxay ku mahmaahda: “RAG LA’AANI WAX KUMA YEESHEE, RAG XUMAA KU DISHA”

Waxaa xasuus mudan in 2004 Kenya dawlad lagu soo yegleelay taasoo loo soo sameyey Dastuur ama axdi qarameed kumeelgaar ah iyo baarlamaan ka kooban 275 xildhibaan oo kumeel gaar ah. Shaqada loo diray waxay ahayd sida axdiga kumeel gaar ah ku qoran in ay sameeyaan Dastuur ama Axdi qarameed federal ah oo rasmi ah, dalkana doroshooyin ka abaabulaan. Taas ma aysan sameynee inta amxaaro u yeerteen ayey shacabkii iyo xafadihii Muqdishu xasuuq baahsan, burbur iyo barakicin u geysteen.
Markii Magaladii Muqdishu iyo shacabkii ku noolaa la baabi’yey aya Shir loogu magacaabay dib u heshiisiin aya magalada Jabouti lagu qabtay sanadkii 2009 ka. Shirkaas waxaa baarlamaankii laga dhigay 500 oo xildhibaan soona doortay Sh. Sharif Sh. Ahmed oo asna la siiyey laba sanno si loo dhameystiro shaqadii dawladii Abdullahi Yusuf qaban weysey, taasoo ahayd in dastuur dhameystiran la sameeyo dalkana doorasho loo diyaariyo. Hadda mudadii Dawlada Sh Sharif waa dhamaad welina hawshii loo igmaday waxba lagama qaban. QABYO WAA HALKEEDII.
Waxaa intaas noo dheer in dagaal aad u qaraar ka dhexeeyo labada sharif oo kursiga isku haysta. Waxaase ka sii yaab madan barlamaanka saddexda sanno ku darsaday oo ku leh sidaan bay noo ahaaneysaa
Waxaan asbuucan idaacadaha ka maqleyney Afhayeenka reeraha kunfurta Ahmed Diiriye oo leh waan waantii aan wadney ee labada Sharif waxaa diiday oo nagu gacan sayrey Sharif Hassan. Hadde waa in Sharif Hassan inta la soo qabto geed lagu xiraa sida dhaqanku yahay.
Waa yaab iyo amakaag in umadaas baaba’day labaatanka sanno u mar walba hogaamiye kooxeed diido talada odayaasha.
Waxaa isweydiin mudan ummada ku nool kunfurta Somalia ma waxay ku jireysaa sanad walba in nin diido wixii talo ah oo kaligiis ummaddu u afduubnaato. Taasi waa daciifnimada Odayaasha iyo shacabka, sababta oo ah hal shaqsi oo shisheeye ka amarqaata in u masiirkii ummada afduubo in laga yeelo ma aha.
Waxaa muuqata in dalkaani dadkii lahaa farahooda ka baxay, waxaana loo bahanyahay in shacabku dalka dib ula wareego, una dhiibtaan qofkii ay dan u arkaan. Soomaaliyey dalkaan international community ma laha, IGAD na ma laha, Ugandhana ma laha, Burundina ma laha. Dalka soomaali aya leh ayadana laga raba in mustaqbilkeeda iyo masiirkeeda ka taliso. Ummadayadu waxay u jabtay laba cadow, waa midka kowaade urur dimeed wata afkaaro shisheeye oo ummadii xasuuq ba’an iyo in ay ku dhex dagaalamaan ku haya iyo midka labaad oo ah quwado shisheeye oo aan marnaba ogoleyn in dalku urur dimeedku qabsado. Waxa kalo mesha aan ka maqneyn wadamada deriska ah oo ayaguna dano siyaasadeed ka leh Somalia oo aminsan haddii soomaalidu cagaheeda ku istaagto in ay nabada gobolka wax u dhimeyso.
Lakin dhibaatada dalku ku jiro waxaa udub dhexaad u ah kuwa siyaasiinta isku sheegaya oo ah kuwo liita, qaranimadana sandareero yar dhafsanaya ayagoo weliba u adeega dano shisheeye iyo ayadoo oday dhaqameedkii, aqoonyahankii iyo wax garadkii oo doorkoodi gabay. Haddaba waxaa loo bahanyahay rag cusub oo dalka badbaadiya dalka gudahiisana ku arrinsada
Waxaa muuqata in ummada degen kunfurta Soomaaliya ay tahay ummad dhinac kasta ka goblanytay, aqligii bay ka goblantay, oo taladii bay ka goblantay oo garashadii bay ka goblantay, oo diintii bay ka goblantay, oo dareenkii bay ka goblantay oo hogaankii bay ka goblantay oo waa ummad mid mid dhaama aan la arag. War maxa loo waayey mid maatadiisa ka naxa oo yirah war ummada nolosha u ogolaada. Kaga sii darane kuwii qurba joogta ahaa ee badbaaday aya maantay mid kasta sameystay wax la yirah state iyo land oo qarash ku bixinaya si u mid walba warlord u noqdo oo addis ababa u socda. Walan taas meel lagu gaareyn qaranna lagu dhiseyn. Waxaa loo bahanyahay kacdoon shacab oo masiibada la isaga tuuro, dalka taladiisana dib loo hanto.
“UMMADYAHAY QABIILKIYO QARANNIMADU WAA LABA, AAN ISQAADI KARINOO WELIGOOD ISQABANEYN.”
ALLOW CULUMADA CILMIGII NOOGU SOO CELI,
ALLOW DALKA NABADII NOOGU SOO CELI,
ALLOW UBADKA EDEBTII NOOGU SOO CELI,
ALLOW DUMARKA XISHOODKII NOOGU SOO CELI,
ALLOW ODAYAASHA TALADDII NOOGU SOO CELI,
ALLOW UMMADA AAMINAADDII NOOGU SOO CELI,
ALLOW CULUMADA DACADII NOOGU SOO CELI,
Allow shacabkeena dhiigii iyo dhiranaantii iyo kartidiiba noogu soo celi.

<iframe width="325" height="249" src="http://www.youtube.com/embed/n1IZs7mTccA" frameborder="0" allowfullscreen></iframe>





No comments:

Post a Comment