Thursday 5 May 2011

Joke of the week / Witz des tages


Sixirkii kismayo
Sanadkii 1974  ololihii barashada far soomaaliga aya laba ardey oo reer waqooyi ah loo diray gobolka jubada hoose ee kismaayo. waxaa laga dhaadhiciyey labadan arday in Kismaayo dadka lagu sixro oo waliba xoolo laga dhigo (dameer ama dibi ama wan). Waxay iska dhaaghiciyeen in haddi gabari ku jeclaato ay xayawaan ka dhigeyso si u weligiis uga tegin marka fejignaan saa’id ah ayey qabeen.
Labadii wiil hal qol ayey wada kireysteen ayago iska jira dhibatada kismaayo ku can baxday oo ah sixirka, oo weliba midba midka kale ayu ilaalo xoogan ka haya.
Habeen habeenada ka mid ah ayey qayilaad u fariisteen, waqti dambe ayaa sigaarkii ka go’ay, dabadeed mid baa yiri “I yara sug dukaanka ino dhaw ayaan sigaar nooga soo qabanayaye. Markii u tegey dukaanka ayu gabar kula kulmay, dabadeedna sheeko dheer ayu camirtay. Wiilkii kale ayaa daahsaday markaas ayu dibada u soo baxay. Wuxu arkay dameer guriga agtiisa daaqaya, intu naxay ayu wuxu u maleeyey saxibkiis oo dameer laga soo dhigay.
markaasuu dameerkii intuu u tagay ku yiri, Miyeey ku badaleen ma sidaan eyey kuu galeen wallaweyntii, halkeen adaa bal aqalka soo gal su dameerkii u riixaayay markii danbe dameerkii ayaa kacararay asoo yaaban ayuu aqalkii kusoo laabtay asagoo dhafoorada heysta ayaa waxaa albaabka soo garaacay saxiibkii oo ey la socoto gabadhii ey dukaanka isku soo barteen markuu kafuray ayuu yiri, “miyey hadana sidaadii kugu soo celisey, waa ilaah mahadii, oo ma tii ayaa ku daba socoto oo hadeer dameerka kaa dhigatay, naa na dhaaf haddad allaha taqaan”.

No comments:

Post a Comment