Monday 23 May 2011

JOKE OF THE WEEK/WITZ DER WOCHE


Xaaskaakii igaar bay ku dhashay
Nin reer waqooyi ah aya xamar yimid dabadeed wuxu guursaday gabar reer muqdishu ah. Maalin maalmaha ka mid ah aya asagoo shaqo ku maqan xaaskiisi umushay oo wiil ku dhashay isbitaalka. Markii u shaqada ka yimid aya waxaa lagu salaamay "ar wax ma ogtahay", naagtaadii igaarey dhashay ee orod u tag. Intuu aamusay ayu markiiba baxay asagoo yaaban. Horta waa u fahmay in xaaskiisi umushay lakin wuxu la yaabay igaarku waxa u yahay, intii usan isbitaalka aadin ayu wuxu sii maray mid saaxiibkiis, ah oo Xamar wax badan uga soo horeyey.
Markii u saaxiibkiis u tagey ayu ku yiri “saxib xaaskeygii way umushay lakin wax aan garan wayey oo igaar la igu sheegay bay umushay, ee igaarku waa maxay adaa wadanka iga soo horeeye”? Saaxiibkii intu naxay ayu ku yiri, “wager iga wallo igaarka hadda kahor ayaan maqloo, waraabe kama yara”. Markaas ayu sii naxay oo ku yiri “saxib waraabe ayu dhalay la I oran maye waan tacabirayey bal cawa nooli ila raadi”. Markaasu weydiyey meesh u utacabirayo, markaas ayu ugu jawaabay, “dee caradii iyo Hargeysa”. Halkii ayu nooli la doondoonay, isla subixiina wuxu geeyey yoobsan oo baabuurta Hargeysa u socoto ka baxdo.
Markii ay sanado ka soo wareegtay ayey gabadhii siday u raadineysey oo u haybsaneysay loogu sheegay in u Hargeysa joogo, dabadeedna Hargeysa ayey tagtay. Asagoo Hargeysa iska jooga ayaa waxa lagu, “war gabadh reer xamar ah oo ku doondooneysa aya magalada joogta. Markaas ayu inta naxay yiri wager ma hadday waraabihi iga daba keentay, walle haddeyba igu darantahay waa Hargeysa oo dhan ha ku ogaato inaad waraabe dhashay. Halkaas ayu habennimadi Hargeysana ka tacabirey.

No comments:

Post a Comment