Monday 23 May 2011

COL KU DHACYEY OO TUUGO KU CIDAMISAY (PART 7)

DOORASHADA MADAXWEYNAHA IYO GUDOMIYAHA BAARLAMAANKA

Horta waaba yaabe maxaa madaxda dawlad kasta oo la soo dhiso isu qabqabsadaan? Labadii sharif waa is hayan, waxayna isku hayaan waa kusriga iyo dhaqaalle aad u farabadan oo aan lagula xisaabtameyn, sida ay doonaana ka yeeli karaan.
Waxaa dadka lagu qaldayaa in doorasho dhacayso, lakin wax doorasho la yirah ma jiraan ee gollaha barlaamaanku sheegga 500 ka kooban ayaa la kala gadanayaa, kii lacag bata aya la dooranayaa. Lacag la’aani ma jirto oo wad maqleyseen ninka xaafiiska rai’sulwasaaraha u qaabilsan dhaqaallaha oo la yirah Abdirisaq Xaaji fartaag inu qirtay in lacag ka badan 300 oo million oo dollar ay maqantahay. Lacagta la yiri way maqantahy waa lacag ku fillan mushaarka dawlada oo dhan muddo saddex sanno ah. Waxaan la yaabanahay sabata u waqtigaan u leeyahay lacag tiradaas leh ayaa maqan madama u xafiiskaas joogay muddo laba sanno ka badan, oo mar hore u sheegi waayey. Hawshaasi waxay u egtahay garabootan iyo meel cariirsi.

Waxaa muuqata in ummada degen kunfurta Soomaaliya ay tahay ummad dhinac kasta ka goblanytay, aqligii bay ka goblantay, oo taladii bay ka goblantay oo garashadii bay ka goblantay, oo diintii bay ka goblantay, oo dareenkii bay ka goblantay oo hogaankii bay ka goblantay, oo xishoodkii bay ka goblantay, oo dhaqankii bay ka goblantay, oo aqoonti bay ka goblantay,waa ummad mid mid dhaama aan la arag. Maxa loo waayeyay mid maatadaan tabaaleysan ee saddexda sanno geedaha hoosttoda ku baaba’day ka naxa.
Somalidu waxay ku mahmaahdaa “hal nin gurani dheelmay dhana uma fayooba”. Ummadii waxaa ku dhex dagaalamay Qolooyin ma naxayaal ah oo xabada aan u meeldeyeen oo aan kala jecleyn waxay ku dhacayso iyo wax kale. Weli ma maqlin wax leh waan ka xunnahay ama raligelinaya ama xisaabinaya ama wax macaweyno ah u geynaya.
Waxaan idin leeyahay koley yeelimeysaane dadka xabada ka joojiya oo u ogolaada in ay noolaadan, meeshana u baneeya dadkii wax qaban laha.

Kaga sii darane kuwii qurba joogta ahaa ee badbaaday aya maantay mid kasta sameystay wax la yirah state iyo land oo qarash ku bixinaya si u mid walba warlord u noqdo oo addis ababa u socdaa. Wallan taas meel lagu gaareyn qaranna lagu dhiseyn, aqqoonsiga caalamka idin siyana waxaa idinkaga fican adinkoo shacabkiina aqoonsi ka hela. Waxaa loo bahanyahay in la fahmo in dadka iyo dalka baaba’aya ay somaali yihin, waanna dadkeeni iyo dalkeeni.

 Halkaan ka aqriso lacagta la dhacay.
“UMMADYAHAY QABIILKIYO QARANNIMADU WAA LABA, AAN ISQAADI KARINOO WELIGOOD ISQABANEYN.”
ALLOW CULUMADA CILMIGII NOOGU SOO CELI, ALLOW DALKA NABADII NOOGU SOO CELI,
ALLOW UBADKA EDEBTII NOOGU SOO CELI, ALLOW DUMARKA XISHOODKII NOOGU SOO CELI,
ALLOW ODAYAASHA TALADDII NOOGU SOO CELI, ALLOW UMMADA AAMINAADDII NOOGU SOO CELI,
ALLOW CULUMADA DACADII NOOGU SOO CELI, ALLOW MADAX DAACADA DADKAN U SOO DIR.
Allow shacabkeena dhiigii iyo dhiranaantii iyo kartidiiba noogu soo celi.
DOQONTU XARKIHII LAGU XIRXIRI LAHAA AYADAA XUSULADA KU SIDATA.
Waa socotaa …La soco qaybta asbuuca so socda: “col ku dhacyey oo tuugo ku cidamisay….
Soo booqo blogs ka: don’t forget to rate it

Wa billahi towfiiq
Waa Qalinkii Eng. Ahmedgurey W. Abtidon
Contact:           ahmed.abtidon@gmail.com


No comments:

Post a Comment