Friday 27 May 2011

JOKE OF THE WEEK/WITZ DER WOCHE


Ma ogtahay inaan Amooraati kugu ahay?

Nin dhalinyara ah oo reer waaqooyi ah aya wuxu ku noolaa magalada Muqdishu, xafada Casa Populare oo ah xafada aallaaba ay reer waqqooyigu deganaayeen. Ninkan oo Jajuur lagu magacaabo aya wuxu farisan jiray bibito ku taala manaboolyo, waxaana ka shaqeysa gabar reer Muqdishu ah oo qurux badan. Gabadha waxaa la yirah Batuulo. Maalin walba wuxu ka soo lugeeya Casa Populare si u gabadhaas u soo arko oo ula sheekeysto, lakin mar alla marka u gabadha arko ayaa bahal xishood la yiraah illahay dul saara, wax kale iska daaye indhaha xataa ma siin karo.
Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxa u ka ibsaday sigaar, dabadeed gabadhi ayaa baakidka sigaarka korkiisa ku qortay: “MA OGTAHAY JAJUUROW IN AAN AMOORATI KUGU AHAY”. Jajuur inta bakidkii jeebka gashtay ayu xafadiisi u lugeeyey, markii u xafada tegey ayu aqriyey wixi bakidka ku qorna. Jajuur waa garan waayey waxa ay Batuulo ka wado kelmeda AMOORAATI, lakin wuxu u mecneystay in ay ka wado ANTIPATHIC ama qof waji xun. Jajuur bibitadii iyo batuulo dib ugma noqon madama erayadii Batuulo ku qortay bakitka korkiisa ay ula ekaadeen in aysan Batuulo aragiisa jecleysan.
Markii ay Mudo sanad ku dhaw ka soo wareegtey ayaa habeen habeenada kamid ah Jajur iyo dhalinyaro kale isla caweeyeen. Mid dhalinyaradii kamid ah ayaa wuxu ka sheekeeyey film Qatar ah oo u habeenkii hore galay. Markaas ayu wuxu yiri filmka amoorati a la jila noh, Jajuur ayaa la soo booday “war amooratigu waa maxay”? Inta markiiba lagu qoslay aya lagu yiri, “amoore ma kaseysid miya? Jaceyl waye noh.

Hal mar ayu Jajuur inta booday orod is dhigay sidii wax waalan. Orodkii u ka bilaabay Casa Populare hal marna ma istaagin ila iyo maanabolyo. Bibitadii u batuulo ku ogaa ayu tegey, nasib daro bibatadii way xirneyd. Halkaas ayu asagoo madluun ah ka soo noqday, markii u guriga yimid ayu bakidkii oo u safiitada geliyey ka soo bixiyey oo boorka ka jafay, dibna u aqriyey kelmadihi oo sidii hore ka qurxoon. In kastoo Jajuur dhawr jeer ku noqnoqday bibatadii Batuulo meel ay jaan iyo cirib dhigtay waa la waayey. Halkaas ay Jajuur amoorihi ku waayey.


Just visit my blog:
http://ahmedabtidon.wordpress.com/






No comments:

Post a Comment