Thursday 26 May 2011

COL KU DHACYEY OO TUUGO KU CIDAMISAY (PART 8)


KU MEEL GAAR WAA MAXAY?
 Dawlada ku meel gaarka ah ee TFG da maxaa ka si ah, maxay tahay sabab ay qilaafaadkooda u xalin la’yihin.
Arrin lagu heshiin waayo haddaad aragto labo ayey mid tahay:
Waa tan hore e mid ayaa keenaya wax aan meesha ku jirin ama aan looga bahneeyn. ama wax meesha looga bahanyahay ayaan la keeneyn.

Waxaa muqata in madaxda dawlada ku meelgaarka ah iyo baarlamaanka ku meelgaarka ahi aysan fahmin shaqada loo soo igmaday markii la sameynayey iyo awoodoodu inta ay la egtahay.
Hayaqdaha dawlada TFG da waa ku meelgaar, waana dawlad dib u heshiisiin ee maha dawlad rasmi ah oo awood dawladeed leh, taasi mecnaheedu waxaa weye, dawlada iyo baarlamaanka waxa loo diray shaqo cayiman oo waqti cayiman leh.
Marka surta gal ma aha, awoodna uma laha in ay waqti kororsadaan, ha ahaadeen barlamaanka ama dawladaba.
Sharif Hassan awood uma laha in u gudiyo magacaabo sababta oo ah wixii loo diray ma aha in ay waqti kororsadaan loogumana talo gelin. Baarlamaanka 500 ah waxaa loo sameeyey in mushkilad lagu xaliyo si ay u diyaariyaan dastuur rasmi ah iyo doorashooyin, si dawlad rasmi ah loo gaaro.
Haddaba waa in ay fahmaan madaxda dawlada TFG du in ay awoodoodu xadidandahay oo aysan waxay rabaan sameyn kain. Shaqada loo igmaday waa dib u heshisiin ee shaqadooda ha qabsadaan.

Waxaa muuqata oo nasiib daro ah in ummada degen kunfurta Soomaaliya ay tahay ummad dhinac kasta ka goblanytay, aqligii bay ka goblantay, oo taladii bay ka goblantay oo garashadii bay ka goblantay, oo diintii bay ka goblantay, oo dareenkii bay ka goblantay oo hogaankii bay ka goblantay, oo xishoodkii bay ka goblantay, oo dhaqankii bay ka goblantay, oo aqoonti bay ka goblantay,waa ummad mid mid dhaama aan la arag. Maxa loo waayeyay mid maatadaan tabaaleysan ee saddexda sanno geedaha hoosttoda ku baaba’day ka naxa.
“RAG LA’AANI WAX KUMA YEESHEE, RAG XUMAA KU DISHA”

Ninba baadida kula daydaya daalna kaa badane,
Oo aan doonahayn inaad heshaa, daa’in abidka e
Adkuna idin moodaya duul wada socdo wax u dahsooneyne
ALLOW CULUMADA CILMIGII NOOGU SOO CELI, ALLOW DALKA NABADII NOOGU SOO CELI,
ALLOW UBADKA EDEBTII NOOGU SOO CELI, ALLOW DUMARKA XISHOODKII NOOGU SOO CELI,
ALLOW ODAYAASHA TALADDII NOOGU SOO CELI, ALLOW UMMADA AAMINAADDII NOOGU SOO CELI,
ALLOW CULUMADA DACADII NOOGU SOO CELI, ALLOW MADAX DAACADA DADKAN U SOO DIR.
Allow shacabkeena dhiigii iyo dhiranaantii iyo kartidiiba noogu soo celi


DOQONTU XARKIHII LAGU XIRXIRI LAHAA AYADAA XUSULADA KU SIDATA.
Waa socotaa …La soco qaybta asbuuca so socda: “col ku dhacyey oo tuugo ku cidamisay….
Soo booqo blogs ka: don’t forget to rate it

Wa billahi towfiiq
Waa Qalinkii Eng. Ahmedgurey W. Abtidon
Contact:           ahmed.abtidon@gmail.com

No comments:

Post a Comment